In ku dhow 10 faras ah oo kamid ah kuwa ku nool dooxooyinka Nuugeelada ee ku dhow Garowe ayaa 24kii saac ee lasoo dhaafay u baqtiyay waxyeello kasoo gaartay sunta beeraha lagu buufiyo.
Fangase Yasiin Cali oo kamid ah dadka leh fardahaas ayaa sheegay inay beeraha ku buufiyeen sunta beeraha ee agan oo ay ku qoran yihiin nambarrada 90-7. Taasoo uu sheegay inay tahay mid khatar ku ah xayawaanka iyo cayayanka beeraha gala.
Wuxuna sheegay in isaga beer uu leyahay horay ay ugu dhinteen xayawanno badan kuwaasoo uu sheegay in kala dagaallami jirin so galitaanka beertooda.
Wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Eng Maxamud Xaaji Saalax Biriishkalo ayaa sheegay in beeralleyda Puntland isticmaalaan sun khatar ah oo shu-shuub ah, wuxuna sheegay inay jiraan dad iyo duunyo u geeriyodeey.
“Sunta la keeno beeraheenna waa mid khatar ku ah deegaanka, dadka iyo duunyada waxaana haynaa xaqiiqda ah in suntaasi ay dad beeralley ah u geeriyodeen, kadib markii ay beeraha ku buufiyeen duunyo badanna ay ku dhimatay haddii aysan aqoon sunta ma ahan in ay isticmaalaan”
Wasiirka beeraha Puntland ayaa sheegay in ay beeralleyda arrimahaas ugu digayan haddii kale ay dhibaato badan keeni doonto. Wuxuuna sheegay in wasaaraddu go’aan cad iyo xeer k aqaadan doonto sunta taas oo beeralleyda lagula xisaabtami doono.
Dadka arrimaha beeraha ku xeel dheer ayaa walaac ka mujiyay arrimaha sunta beeralleydu ay beeraha ku buufiyaan in ay saamayn dambe keeni doonto, waxaana horay jirtay in deegaannada nugaaleed ay caan ku ahayd xayawannada quruxda badan, laakiin hadda ay kasii dabar go’ayaan.
Arrimahaan ayaa iyana kicisay doodaha u dhexeeya beeralleyda iyo xoolo dhaqatada oo iyagu ku dooda in dhulka daaqsinta aan marna beero laga dhigin, ayna tahay waxyaabahay ka digayeen.
MH/FM