Saddex qof ayaa cudurka shuban-biyoodka ugu geeriyootay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose, iyadoo lagu soo warramayo inay la ildaran yihiin cudurka 40 qof oo kale oo u badan carruur.
Sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay madaxa caafimaadka ee degmada Wanlaweyn, Dr. Mustaf Xuseen Cabdulle, labo ka tirsan dadka dhintay waxay ahaayeen carruur ay da’doodu ka yar tahay shan sano jir.
Dadka cudurka u jiifa oo 36 ka tirsan ay yihiin carruur waxaa la dhigay isbitaal ku yaalla degmada oo magaalada Muqdisho u jirta 90 km. Roobab xooggan oo daadad watay oo bishan gudaheeda da’day ayaa biyo dhigay Wanlaweyn.
Dr. Aadan Cabduqaadir Nuur oo ku takhasusay cudurrada guud, kana howlgala isbitaalka degmada Baydhabo ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in sababta ay carruurta ugu badan yihiin shuban-biyoodka ay tahay saxo xumida ka dhalatay biyaha uu roobku dhigay xaafadaha degmada Wanlaweyn. Carruurta ayaa u badan inay ku ciyaaraan meelo ay nadaafaddoodu liidato. “Sababta ay carruurta ugu badan yihiin shuban-biyoodka waa wasaqda ay ku ciyaaraan. Afka iyo gacanta ayay gashanayaan, caloosha ayay u gudbeysaa sidaas ayuu cudurka ku faafayaa,” ayuu yiri dhaqtarka.
Shuban-biyoodka ayuu tilmaamay inuu yahay cudur dilaa ah. Wuxuu yiri, “qofka noloshiisa halis ayay ku jirtaa haddii uu saddex jeer in ka badan shuban xad-dhaaf ah iyo matag uu isku darsado”.
Dr. Aadan wuxuu bulshada ku nool deegaannada biyo-fariisinnada leh kula taliyay inay carruurta ka ilaaliyaan meelaha ay biyaha degaan ee nadaafad-darrida ay ka jirto. “Duumada ama kaneecada waxay ka dhalataa meelaha biyo fariisadka ah,” ayuu yiri.