Daad ka dhashay roob xooggan oo dhawaanahan ka da’ay tuulooyin hoos taga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sababay inay biyo qaadaan bakaartii ay cuntada ugu keydsaneyd 730 qoys oo beeraley ah oo deegaannadaas ku nool.
Bakaartu waa keyd dhulka hoostiisa ah oo ay dadku ku haystaan dalagyada kala duwan ee sanad kasta ka soo go’a beerahooda sida; masagada iyo galleyda. Mararka qaar waxaa dhacda in uu raashinku keydsanaado sanado badan.
Guddoomiyaha degmada Buurhakaba Cali Xasan Cabdi ayaa Raadiyo Ergo u xaqiijiyay in qoysaska uu ka baaba’ay keydka raashinka ay ku noolaayeen 11 tuulo oo hoos taga Buurkahaba. “Roobabka oo beryahan dambe deegaanka khasaaro ka geystay ayaa biyaha raaciyay bakaarihii ay cuntada ugu keydsaneyd qoysas ku nool 11 tuulo. Wixii keyd ahaa waa ebar,” ayuu yiri guddoomiyaha oo intaa ku daray in tuulooyinka ay ku yaallaan dhul hooseeya oo dhinaca bariga uga beegan Buurhakaba.
“Tuulooyinka uu khasaaraha ugu badan gaaray waa Baari, Caal-Bashiir, Dhaway, Buulo-bacaad, Canbuul, Aw-birka, Caliyow iyo kuwa kale,” ayuu yiri Cali Xasan oo xusay inay sidoo kale jiraan guryo burburay oo aanu maamulku weli tirakoob ku sameyn.
Cabdullaahi Cali Maxamed waa aabbe 64 jir oo qoyskiisa uu ka kooban yahay 9 qof. Wuxuu tuulada Baari ku lahaa labo bakaar oo ay ugu keydsanaayeen shan fasal (xilli beereed) dallaggii uu beertiisa ka goostay. “Labo bakaar ayay biyaha iga qaadeen, waxaa iigu jirtay 510 jawaan oo masaggo ah,” ayuu yiri, isagoo tilmaamay in sababta uu raashinka u keysanayay muddada dheer ay ahayd in uu iibsado haddii uu fursad fiican helo.
Xaliima Macallin Nuur waa hooyo 32 jir ah oo uu qoyskeedu ka kooban yahay 5 qof, waxay ka mid tahay qoysaska uu raashinkii u keydsanaa daadka ka qaaday. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay inuu daadku aad u xoogganaa oo ay xitaa naftooda halis gashay. “Keyd aan nolosheenna ku ilaashaneynay ayay biyaha iga qaadeen, waxaa iigu jirtay qiyaastii 120 jawaan oo masaggo ah.
Guddoomiyaha degmada Buurhakaba Cali Xasan Cabdi wuxuu sheegay inay qoysaskaas soo wajahday cunto yari oo ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah. Wuxuu tilmaamay inuu farriin gargaar uu ku dalbanayo uu u diray dowladda federaalka ah, maamulka Koonfur-galbeed iyo hay’adaha samafalka.