Wadanka Yemen oo ay ku nool yihiin qaxooti Soomaaliyeed oo tiradooda UNHCR ku sheegtay 230,878 sanadkii 2014, ayaa qaar badan oo ka mid ahi wakhtigaan waxay quud daraynayaan sidii ay dib ugu noqon lahaayeen, iyagona arrintaas codsigeeda u soo gudbiyey qunsulka Soomaaliyeed ee Cadan Axmed Cabdi Xasan Suudaani.
Qunsulka oo u waramaya weriyaha Ergo ee Yemen Maxamed Koronto ayaa sheegay in dawladda Soomaaliyeed wadday qorshe ah in dadka Soomaaliyeed ee ku jira qaxootiga dib loogu celiyo wadankoodii, wuxuuna sheegay in 21kii bishaan ay shirku kula yeesheen Cadan madax ka tirsan UNHCR ee Yemen si loo qiimeeyo xaaladda qaxotiga Soomaalida ee ku sugan Yemen.
Arrimaha ugu waaweyn ayuu qunsulku ku sheegay inay jiraan boqolaal qof oo Soomaali oo qunsuliyadda keensaday codsiyo ay ku doonayaan inay dib ugu noqdaan wadankoodii, iyagoona sheegaya inaysan haysan tansiilaadkii ay ku noqon lahaayeen, arrimahaasna waan wargelinay UNHCR iyo dawladda Soomaaliya si ay ugu diyar garoobaan.
S. Marka laga soo tago dadka iskood kuugu yimid, maxaa ka qorshe ah guud ahaan dibu celinta dadka?
J. Runtii muddo dheer ayey dadku xeryaha ku noolaayeen, duruufo badan ayaana ka soo maray, noloshay ku jiraan hadda way adagtahay, waxaana jirta rajo deganaansho ah oo Soomaaliya ka socota, arrimahaas oo dhan ayaana hadda khasbaya inay dadka dib u noqdaan, waxana socda la tashiyo badan oo ah sida laga yeelayo mustaqbalkooda, welina baaritaankii iyo darasaddii waa socotaa marka la soo dhamaystiro ayaana go’aan la qaadan karo.
In hal mar la celiyo qaxootiga oo dhan suurto gal ma tahay?
Waxaa horta fiican in la derso dadka goobahay ka kala yimaadeen, iyo xirfadahay lahaayeen si noloshooda ay dib ugu bilaabaan sida beeralay ama kalluumaysato ama xoolo dhaqatao.
Kaararka aqoonsigii qaxootiga waa dhacsan yahay muddo hal sano ka badan arrintaas ma ogtihiin?
Dawladda Yemen ayaa shuruudo soo gudbisay kaasoo ah in qofka intaan sharciga loo cusboonaysin la marsiiyo imtixaan caafimaad si dadka loo ogaado, dadkiina dhaqaalo ma haystaan ay ku helaan baaris caafimaad, marka dadaal ayaan wadnaa dhowaana dawladdii Yemen way ka noqotay hawshii caafimaadka, hadda dhinacii dawladda iyo UNHCR inay soo dhamaatay ayaad moodaa, Octobarna in dib loo cusboonaysiiyo ayaan filaynaa.
Waxaan sugaynaa hadda in guddiga qaxootiga qaranka Soomaaliya inuu yimaado Yemen dhowaan si ay u qorshayaan, ulana kulanmaan qaxootiga Soomaalida.
S. Qaxootigu aad bay ugu dhiban yihiin nolosha magaalooyinka, dagaalo ayaana hadda Sanca ka socda, arrimahaas sidee u sameyeen Soomaalida wadanka ku nool?
J. Runtii qaxootiga Yemen ku nool 85% waxay ku nool yihiin goboladda koonfurta Yemen, culays badan oo amaanna kama jiro hadda goboladaan, welwelka ugu weyni waa arrinta ka taagan Sanca, iyana waxaan filayaa inaysan xaaladda faraha ka sii baxi doonin.
S. Bishii August bilowgeedii ayaa wakaaladda wararka ee Yemenpress oo fadhigeedu yahay Sanca ay qortay maqaal ay ka soo xiganayso ciidamada booliiska sanca iyo dad shicib ah ay qabteen dad Soomaali ah oo ka barbar dagalamaya Xuutiyiinta, ayna lug leeyihiin dagaaladda socda, taas maxaad ka leedahay?
J. Ma jirto cid Soomaali ah oo ku lug leh dagaalka, dawladda iyo dhamaan qaybaha kale ee hirdanku u dhexeeyo oo na soo gaarsiisay ma jirto, cid hadda wax ku noqotay dagaladdana ma jirto, waana been abuur arrimahaas.