Dahabo Axmed Carab oo ah hooyo leh 9 carruur ah oo ay aabbahood kala tageen, waxay ka mid ahayd qaxootiga Soomaaliyeed ee dagaalladii 90meeyadii u qaxay Kenya, sanadkii 1991dii ayay timid xerada Xagardheer, deegaanka Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya oo ay ku nooleyd muddo 4 sano ah, kaddibna nolosha xerada ayay la qabsan weysay waxayna 1995tii kusoo laabatay magaalada Muqdisho, iyadoo aaminsan in dalkeeda uu u dhaamo.
Dahabo oo weli xusuusaneysa dhibkii qaxa kasoo gaaray ayaa Ergo u sheegtay, “Qaxii waxaa iga dhimnatay gabar carruurteyda ka mid ah, wiilna wuu waashay mushkiladaha colaadda darteed, waxaan badbaadinayay nolosha carruurteyda, sababtoo ah anigaa hooyo iyo aabbe u ah, sidaas baan ula soo qaxay Kenya, balse noloshu way adkeyd,” Ayay tiri Dahabo.
Dahabo markii ay Xamar timid waxay ku nooleyd tan iyo sanadkii 2011kii, waxay isaga dulqaadatay dagaalladii iyo colaadihii ka dhacay inta muddadaas lagu guda jiray, waxaana uga dhaawacantay gabar ka mid ah carruurteeda.
Sanadkii 2011kii ayay usoo guurtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud oo ammaankeedu uu dhaamay Muqdisho, waxayna u shaqeysataa haatan carruurteeda oo ay noloshooda dabartaa.
“Inaad intaasoo carruur ah keligaa noloshooda dabbarto ma ahan wax sahlan, balse dhibka waxaan la qabaa hooyooyinka Soomaaliyeed ee qaarna la furay, qaarna ay raggoodii ka geeriyoodeen, dagaalladii dalka ka dhacay baa dhibkaas noogu wacan”
“Nabaddu waa dahab, nolosheyda hadda aad bay u fiicantahay oo dalkeyga ayaan joogaa, waxaan u digayaa dadka doonaya inay dal shisheeye aadaan, dalkaaga wax kuu dhaama malaha. Waxaan dadka kula talinayaa inay naftooda u huraan nabadda.” ayay Dahabo tiri.
Maxamuud Cabdi Diirshe/FM