Wareysi: Cumar Daahir Cismaan oo ka mid ah dadka tuulada Malkaariyey

0
55
Photo | Sawir/kaydka/Ergo

Cumar Daahir Cismaan oo ka mid ah xoolo-dhaqatada ku nool tuulada Malkaariyey, oo 7km u jirta degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa lasoo xiriiray raadiyaha Ergo, wuxuuna uga warramay xaaladda tuulada. Fowsiya Cumar Barre oo ka tirsan Ergo ayaa ugu horreyn Cumar weydiisay tirada dadka ku nool tuuladaas.

Cumar: Malkaariyey waxaa ku nool 315 qoys.

Ergo: Dadka ku nool tuuladaas maxay yihiin?

Cumar: Waxay isugu jiraan beeralley iyo xoolo-dhaqato, dadkii xoolaha lahaa way ka baaba`een xoolihii, webiga ayaa u dhow oo ay biyo ka cabaan maahee oo ay isaga nool yihiin, wax hay`ad ah oo gargaarta malaha. Beeralleydana xaalkoodu waa khatar, waxaa lagu jiraa xilligii abuurka, mana haystaan mirihii abuurka beeraha, beerihii cayayaan baa looga cararay oo in tacabkii la iska daayo ayaa lagu dhow yahay.

Ergo:  Dhibaatada ugu daran ee haysata dadka ay xooluhu ka dhammaadeen wax inooga sheeg.

Cumar: Dadkaas waxaa haysta macluul, way kasoo guureen deegaannada miyiga ah oo halkan bay yimaadeen, si hay`adaha wax bixinaya ay wax uga helaan, mana jirto hay`ad wax bixisa hadda. Waxaan maqalnaa in deegaanno gobolka ka tirsan gargaar laga bixiyay laakiin nama soo gaarin annaga.

Ergo:  Dadka Malkaariyey ee aad ku sheegtay 315ka qof, ma waxaa ku jira dadka hadda kusoo qaxay ee baaddiyaha kasoo guuray?

Cumar: Maya waa dadkii hore u degganaa, kuwa hadda soo qaxay waa 80-90 qoys.

Ergo: Dadkaa xooluhu ka dhammaadeen ee tuulada yimid, maxay hadda qabtaan?

Cumar: Dadkan way iska fadhiyaan, waxba ma karsadaan, waxna ma wataan, dhulka ayay iska daadsan yihiin, mararka qaar Beledxaawo ayay u aadaan shaqooyin yaryar sida dhismaha guryaha, qaarkood dadka beeralleyda ah ayaa caawiya.

Ergo: Dhanka caafimaadka ka warran?

Cumar: Malaariyo iyo shuban way iska jiraan oo carruurta haya, biyaha wabiga oo aan nadiif ahayn ayaan cabnaa.

Ergo: Qoysaska kasoo barakacay miyiga, goormey soo gaareen?

Cumar: Bishan aan ku jirno ayay yimaadeen.

Ergo: Maxaa hadda ugu daran oo laga gargaaraa qoysaskaas?

Cumar: Cunno, cunnadaa ugu daran.

Ergo: Aan usoo noqdo dadkiinna beerralleyda ah ee deggan Malkaariyey, ka warrama xaalkiinna?

Cumar: Beeralleydu dalag wanaagsan baa usoo go`ay, laakiin qudaartii baa waxaa looga caal waayay cayayaan, yaanyada oo kale sida loo abuuro waxba kama soo baxaan.

Ergo: Ma mid hadda ku bilaabatay baa, mise weligeed bay cayayaanku dhib idinku hayeen?

Cumar: Muddo 3 sano laga joogo bay bilaabatay, in badan baan kala hadalnay khubarrada beeraha, laakiin waxba kama qabtaan. Hadda waxaan u baahannahay abuurka miraha, maaddaama lagu jiro xilliga abuurka.

Ergo: Adigu ma waxaad tahay beeralley, mise xoolo-dhaqatana waad tahay?

Cumar: Aniga labadaba waan ahay, beerta wixii kasoo go`a waxaan siiyaa xoolahayga, xooluhu meel kaloo ay daaqaan malaha oo dhulku waa abaar.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here