Inta la xaqiijiyey 3 qof oo dumar ah oo da’ah ayaa lagu soo warramayaa in gaajo iyo harraad ay ugu geeriyoodeen tuulo lagu magacaabo Afison oo 5 km dhanka waqooyi ka xigta degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.
Cabdullaahi Buulle oo ka mid ah Mas`uuliyiinta degmada Ceel-waaq ayaa raadiyaha Ergo u xaqiijiyey geerida 3-da qof, wuxuuna sheegay inay u dhinteen gaajo iyo harraad ay sababeen dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha iyo barakaca ka jira gobolka Gedo, saddexda qof ee geeriyootay waxay ka tirsanaayeen dadka deggan tuulada Afison oo ay ka jirto xaalad aad u liidato oo cunto la’aan, biyo la’aan, iyo caafimaad xumo, qoysaska qaar ma shitaan dabka sida kuwa dhintay oo kale sidaa ayuu yiri.
“Tuulada dadka degganaa waxay isugu jiraan barakacayaal, qoysas xoolihii kaga dhammaadeen abaraaha iyo dad danyar ah, ma jiraan wax gargaar ah oo ay heeleen bilihi la soo dhaafay, dhulka abaar iyo oon ayaa ka jira haddii aan gurmada deg deg ah aan la helin xaaladdu way ka sii dareysaa dhimashaduna way kordhi kartaa.” Ayuu yir Cabdullaahi
Cabdullaahi ayaa codsanaya in lala soo gaaro gurmad cunno, biyo iyo mid caafimaad waxaa jira dad badan oo gaajo, oon iyo cudurro la jiifa, asagoo dowladda, hey’adaha gargaarka iyo ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan iney usoo gurmadaan dadka ay saameeysay abaarta ee ku nool tuulada Afison.
Axmed Cumar Saalixi/FO