Laba toddobaad ka hor dagaal ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Toosweyne oo hoos tagta degmada Bardaale ee gobalka Bay, ayaa waxaa dhibaato kasoo gaartey dadka rayidka ah ee deegaanka dagaalku ka dhacay degganaa, guryo ka badan 300 oo guri ayaa dab la qabadsiiyey.
Dadka dhibaatadu soo gaartay ayaa u badan dumar iyo carruur, kuwaasoo u soo barakacay degmada Bardaale si ay u helaan nolol, waxayna u baahan yihiin gar-gaar.
Bishaaro waa Hooyo 80-sano jir ah, waxayna ka mid tahay dadka guryaha laga gubay, waxay sheegtay in ay ku dhinteen dabkaas wiil aan dhalay, walaalkay iyo laba carruur ah uu dhalay, hadda waxan joognaa degmada Bardaale guryaheennnii waa la gubay oo kooxo hubaysan ayaa dab qabadsiiyey, noloshu way nagu adag tahay mahaysanno hoy, cunto, biyo iyo daawo intaba waxaan dalbanaynaa caawimaad.
Cabdirisaaq Cabdow Isaaq, ayaa ka mid ah dadka ka badbaaday kadib markii dab laqabadsiiyey guri uu ku jirey, wuxuuna sheegay in uu ka booday daaqadda guriga oo gubanayey, waxaa sidoo kale socday rasaas ay is waydaarsanayey kooxihii dagaallamayey, Dagaalka ayaa u dhexeyey ururka Alshabaab iyo dadka deegaanka.
Muxiyadiin Muxsin/FO