500 oo qoys oo kasoo barakacay dagaallada iyo go’doonka ay ku jiraan magaalooyin ka mid ah gobolka Bakool ayaa degey xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah ee ku yaala duleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo, qoysaskaan ayaa ka yimid badi degmooyinka Xudur iyo Waajid, iyagoo degmada Luuqna ay u socdeen muddo 7 maalmood ah ayna safarka u isticmaaleen gaari dameerro.
Cumar Aadan oo ka mid ah qoysaska ka soo barakacay degmada Xudur oo u warramayey Ergo ayaa sheegay inay guryahoodii uga soo carareen cabsida dagaallada iyo xirnaashaha waddooyinka oo keenay inay waayaan wixii ay cuni lahaayeen, ayna naftooda ula soo carareen inay macaluul u dhintaan.
Dadkaan ayaa ku biiriya 3000 (saddex kun) oo qoys oo saddex sano ka hor ka barakacay gobolkaas, kuwaasoo hadda ku jira 12 xero oo ku yaal degmadda Luuq ee gobolka Gedo.
Saalixi/MH