Dad ay dagaallo ka barkaciyeen Buur -dhuubo oo codasanaya in la gargaaro

0
202

24Waxaa laga deyrinayaa xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin dad ka badan ilaa kun qoys oo ku barakacay dagaallo ka dhacay degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, iyadoo dhibaatada ugu daran ee qoysaskaasi ay ka cabanayaan ayaa waxaa ugu daran cuno la`aan, hoy la`aan, caafimaad darro iyo helitaaanka adeegga biyaha oo aad u liita, arrimahaasi oo is biirsadeyna waxay sii sii adkeeyeen nolosha qoysaskan barakacayaasha ah.

Maxamed Cali oo ka mid ah qoysaska faraha badan ee ka barakacay Buurdhuubo, kuna sugan tuulada Surriyo oo la hadlayey raadiyaha ERGO ayaa sheegay dadka ka barakacay guryahooda ku yaaley Buurdhuubo in ay tiradooda u dhaxeyso 1500 oo ruux ilaa 2000 kun oo ruux .Qoysaskaasi ma haystaan ayuu yiri adeegyadii ay u baahnaayeen, waxaana dhibaatadaasi u sii dheer maciishadda oo cirka isku shareertay, ka dib markii ay istaageen gaadiidkii xamuulka ee soo galayey deegaanka.

“Dadka wuu ka qaxey Buurdhuubo, waxayna u qaxeen tuulooyin u jira Buurdhuubo 10 km-5km u jirta deegaanka, xilli kulul ayaana lagu jiraa dadkuna ma haystaan wax nolol ah, waxayna u baahan yihiin in la gargaaro waxaana weli taagan cabsidii looga barakacay deegaanka, waxayna ka qaxeen beerahii ay tabcanayeen, waxaana codsaneynaa in gurmad deg-deg ah loo fidiyo qoysaskan oo aanan haysan, wax raashin iyo hoy sidaasi waxaa yiri Maxamed Cali.

Sidoo kale Xabiibo Muxamad oo ka mid ah haweenka barakacayaasha ah ee ku sugan tuulada Malkahidaa oo Buurdhuubo u jirta ilaa 10 km ayaa sheegtay dhibaatada ay qabaan qoysaska ka barakacay Buurdhuubo  xilligan in ay ugu weyn tahay Hoy la`aan iyo dhamaan daruuriyaadkii bani`aadamka u baahnaa, iyadoo sheegtayna noloshooda in ay ku tiirsaneyd wax soosaarka beeraha iyo xoolaha.

Ahmed C. Saalixi/MRS

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here