Koox hubaysan oo dadka barakacayaasha ah xoog uga saaraya xeryaha Muqdisho

0
42

Koox hubeysan ayaa bilaabay in dadka barakacayaasha ah si xoog ah uga raraan dhismooyin iyo dhul dowladeed oo magaalada Muqdisho ku yaal. Meelaha raga hubeysan ay barakacayaasha ka saarayaan waxaa ka mid ah dhismihii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeenta, Jaamacaddii Gaheyr iyo dhulkii safaaradii hore ee Mareykanka oo deegaan u aheyd dadka barakacayaasha ah.

Shariifo Abuukar Cabdi, oo ah hooyo afar carruur ah leh ayaa ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee laga raray dhulka siliga oo ah safaaradii hore ee Mareykanka.  Shariifo waxa ay hadda u guurtay xerada Maslax oo ku taal jidka dheer ee Muqdisho iyo Afgooye.

“Rag hubaysan ayaa noogu yimid aqalkeena, waxa ayna nagu yiraahdeen waa inaad ka baxdaan, annaguna waan ka baxnay, waana markii saddexaad ee xeradaas gudaheeda meeshii aan ka deganaa xooga la iiga saaro,” sidaas waxaa raadiyoow Ergo u sheegtay Shariifo Abuukar.

Hooyo kale oo magaceeda kusoo koobtay Nafiso ayaa iyana ka mid ah qoysaska qasabka looga saaray xeryaha ay magaalada ka deganaayeen.

“Dhulka waxaa lagu kala gadanayaa lacag dhan 500 oo doolar, adiga oo degan ayaa lagu kor gadanayaa. Annaga waxaan la’nahay wax aan cunno, marka dhul ma iibsan karno. Dadka ka guura na dhahaya, iyagu ma leh dhulka laakiin lama doodi karno oo qoryo ayey heystaan,” sidaas waxaa tiri Nafiso oo la hadashay weriye Ergo ka tirsan.

Laakiin afhayeen u hadlay maamulka gobolka Banaadir oo la yiraahdo Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in aysan waxba ka ogeen maleeshiyada dadka xooga uga saaraya dhulka dowladda.  Afhayeenka ayaa ugu baaqay dadka barakacayaasha ah in ay maamulka gobolka usoo dacwoodaan.

“Dhul dowladeed cidina ma iibsan karto, waxaanna dadka laga saarayo guri ama dhul ayan dowladdu dan ku qabsanayn ugu baaqeeynaa in ay usoo dacwoodaan, waxaan ugu tala galay xafiis ka furan xarunta maamulka gobolka Banaadir oo arrimaha qaabilsan,” sidaas waxaa yiri afhayeenka maamulka gobolka Maxamed Yuusuf.

Laakiin dadka la barakiciyay waxa ay sheegeen in loogu hanjabay in la dili doono haddii ay dacwoodaan amaba ay cid kale dhibtooda u sheegaan.

“Ma dacwoon kartid, dadkaan naftaada ayey kuu dilayaan, haddaa dawlad aadana naftaada ayaa waayeysaa, marka inaad amarkooda yeesho ayaa lagu badbaadi karaa,” ayey tiri Shariifo.

Nuur Cali

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here