28Dagaalki dhawaan ka dhacay qoryooley ayaa sababay khasaarooyin isagu jira dhimasho, dhaawacyo iyo barakac xooggan soo gaaray dadki ku dhaqnaa magaalada.
Degmada Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dagalladii ka dhacay todobaadkaan waxay keeneen in dad badani ka barakacaan guryahoodii. Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii waa guddoomiyaha maamulka gobalka Shabeellada Hoose, waxaana isaga oo ku sugan magaalada Qoryooley u warramayey raadiyo Ergo ayaa qiray in shacabka khasaaro ka soo gaaray dagaalkaa, iyadoo weli laga cabsi qabo in mar kale dagaallo ka dhacaan.
Xasan Maxamed Nuur oo ka mid ah dadka deegaankaasi ayaa Ergo u sheegay in magaalada dad badan ay ka carareen, ayna u kala qaxeen degmooyinka Marko, Shalaanbood iyo deegaanno ku dhaw-dhaw magaalada Qoryooley, sidoo kale dadka ka barakacay Qoryoolay ayaa gaaray xeryo ku yaal Muqdisho, waxaana ku haysta goobaha ay u carareen xaalado adag oo dhinaca nolosha ah, waxayna u bahaan yihiin in gurmad loo sameeyo.
Barkaca dadka ayaa sii kordhi kara, iyadoo dagalladu weli socdaan, kuna sii fidayaan deegaanno kale, inta badan dagaallada ka dhaca gobalka shabeelladda hoose dhex mara ciidamada AMISOM iyo kuwo dowlada oo iskaashanaya iyo ururka alshabaab ayaa waxaa khasaarooyinka ugu badan ay ka soo gaaraan dadka rayidka ah.
Aden Diece/MR