Boqolaal qoysas ah ayaa ka qaxaya deegaanno ka tirsan gobolka Bakool kadib dagaalo ciidamada dowlada iyo kuwo Itoobiya ku dhexmaray degmooyin ku dhow xadka Itoobiya. Dadkan oo u badan haween iyo carruur ayaa u qaxaya deegaano ka tirsan gobolada Bay iyo Gedo.
Afar kun oo qof oo ka mid ah dadka barakacay ayaa labaatankii maalmood ee ugu dambeysay soo gaaray magaalada Baydhabo, iyaga oo xero ka sameystay duleedka magaalada. Dadka badidood ayaa kasoo qaxay degmooyinka Buurdhuubo, Xudur iyo Waajid oo ka tirsan gobollada Gedo iyo Bakool.
“Wax walba waan kasoo tagnnay xitaa dharka la xirto,” sidaas waxaa Raadiyoow Ergo u sheegtay hooyo konton iyo shan sanno jir ah oo la yiraahdo Faadumo Isxaaq. Labo ka mid ah shann carruur ah oo dhashay ayey uga soo tagtay degmada Waajid, ilaa iyo haddana war kama aysan helin.
“Iyaga oo guriga ka maqan ayey Shabaab nagu yiraahdeen ka baxa magaalada. Waa ley diiday in aan sugo amaba aan magaalada ka raadsado. ma ogi in ay nool yihiin iyo in kale,” ayey tiri Faadumo. Labo gaari oo waa weyn oo uu mid walba wato saddex boqol oo qof ayaa Baydhabo yimaada maalin walba.
Laakiin Faadumo Isxaaq oo keli ah ma ahan dadka qoyska maalin walba imaanaya ehelkooda ka dhex raadinaya. Hooyo kale oo la yiraahdi Xaawo Ibraahim oo shan iyo labaatan sanno jir ah war uma heyso seygeeda iyo labo carruur ah oo ay uga soo tagtay tuulada Kurta oo udhaxeysa Waajid iyo Baydhabo. “Qof walba oo Kurta ka yimid wuxuu leeyahay ma arkin qoyskaada. Waan u wel-welsanahay,” ayey Xaawo ku tiri weriye Ergo ka tirsan oo Baydhabo jooga.