Beeralleyda biyaha roobka wax ku beerta ee magaalada Baydhabo ayaa dalagyada ay sanadkna goosteen keydsanaya, oo bakaar ahaan u duugaya, iyagoo aan badankood tacabkooda suuqa u iib-geyneynin.
Cali Aadan Axmed oo 73 jir ah, kana mid ah beeralleyda Baydhabo ayaa sheegay inuu godad shamiindo ah u qoday dalagyada meseggada iyo galleyda ee ay sanadkan goosteen, si ay ugu baxsadaan ayna ugu gaaraan fasalka kale.
“Waxa ugu horreeya ee aan qabanno marka dalagyada lasoo gooyo waxay tahay inaan duugno badarka, lagana dhigo (Bakaar), sababta waxay tahay inaan annaga quudanno, sababtoo ah meel kale waxba kama helno cuntadeennana waa waxaan tacbanno, marka haddii ay abaar dhacdo waan ku badbaadi karnaa, tan kale, tacabka xilliga Guga oo bisha April ku aaddan ayaan u diyaar garoobeynaa si aan abuur uga dhiganno dalagyadaan hadda goosannayo, iyo haddii aan suuqa geyno oo aan qiimo fiican ku helyenin,”
Axmed ayaa sheegay in tacabka ka galay beerta iyo qiimaha haddii ay suuqa geeyaan laga siinayo aysan is lahayn, “Yaanbo dheer ayaan ku falannaa beeraha, malaha Dibi aan ku falanno, makiinado ma heysanno, xooggeenna ayaan isticmaalnaa,” ayuu yiri.
Axmed ayaa leh beer cabbirkeedu yahay 200 hiktar, oo ay ku beeran yihiin meseggada, galleyda, digirta, sisinta iyo khudaar noocyo kala duwan, wuxuu aaminsan yahay in haddii beertiisa uu u heli lahaa xoog fiican, khudaarta kasoo go`da ay anfici lahayd dhammaan magaalada Baydhabo, oo aan khudaar looga baahnaan lahayn meel kale.
“Mar baan isku dayay qodidda ceel-biyood, biyaha roobka oo nagu yaraa darteed, ceelkii markaan 20 mitir gaarsiiyay wuu dumay oo xoog baan u waayay, waan iska daayay kadib. Qof keligiis waxba ma qaban karo, hadduusan heysan qalabka beeraha.” Axmed ayaa sidaa yiri.
Malayka Cabdi oo ayadana beeralley ah, waxaa usoo go`ay galley, meseggo iyo sisin, waxay sheegtay in sanadkan ay goosatay dalag aad u wanaagsan ayna aad ugu faraxsan tahay, balse sida Axmed oo kale ma dooneyso in dalaggeeda ay suuqa u iib-geyso, sidoo kale ayay iyadana keydsatay.
“Badarka markaad keydsato faa`iido badan ayaa ku jirta, lacag waxba ma tareyso ee badarka xooggaaga ah ayaa ku anfacaya. Tusaale ahaan, abaartii sanadkii 2011kii ka dhacday gobolka, dadku waxay cunaan bey waayeen, taasoo kale ma aha inay markale dhacdo,” ayay tiri Malayka.
Malayka iyo Axmed ayaa ka codsanaya hay`adaha gargaarka inay caawinaad u fidiyaan beeralleyda Baydhabo, si ay u horumariyaan beerahooda.
Muxyaddiin Xasan Maxamed/FM