Dhibaatada tahriibka iyo tarxiilka (sheeko gabadh la soo la tarxilay)

0
53
Dhibaatada Tahriibta iyo tarxiilka ay  kala kulmaan Sacuudiga kuma eka Soomaalida oo  kaliya ee waxaa jira  dadyow kale oo Soomaalida dhibtaas la wadaaga isla markaana  tarxiilka Soomalida lagu soo celiyo dalka  laysga daro oo ka mid noqda dadka Soomalida ee laga soo raafo Sacuudiga kuwaasoo la kulma dhibaato kala duwan maaddaama dal kale oo ayan u dhalan la keeno.
 Sabaax Mukhtaar Mubaarak  waa gabar 25 jira oo dhalatay dalka Yemen  hooyadeedna tahay  Soomaali lagana soo qabtay iyadoo tahriiba xadka Yemen iyo boqortooyada Sacuudiga kadibna loo soo tarxiilay dalka somaliya. Waxay Sabaax la xanuunsanayd muddo saddex sano ah xanuunka dhimirka iyadoo intii xilligaas ka dambeysayna mudatay dhibaatooyin.  Gabadhan oo hadda caafimaaday walina ku sugan xarunta dhimirka ee magaalada  Gaalkacyo, ayeysan jirin wax xog ah oo ay ka hayaan helkeedii, waxayna idaacadda Ergo uga warranta xaaladeeda.
‘‘ Markii hore tahriib baa laygu qabtay Soomaalibaan sheegtay xamarbaa laygu soo tuuray anigaana sheegtay inaan Soomali ahay sababtoo ah lacag badan ayaan ka qaatay dadkayaga waxana doonayey inaan galo Sacuudiga oo soo shaqeysto ka dib markii lay keenay Muqdisho nin Soomaali ah b aan  guursadey uur baan yeeshay, ninkii waa i furay oo wuxuu yiri madoonaayo ilmo markaas ayaan imid Boosaaso  ilmihiina waa dillaaceen, waan dhiig baxay mana helin daryeel waana dayacmay markaas ka dib nin la yiraahdo cabdulqaadir oo Soomali ah ayaa i caawiyey oo i geeyey isbitaalka Boosaaso, ka dib dhawaan ayaan ogaadey inaan xanuunsanaa muddo oo joogo gaalkacyo, hooyaday, aabahay iyo walaalahay midna war igama hayaan inaan dhintay iyo inaan noolahay, lakiin hadda waxan codsanayaa in laygu caawiyo sidii aan ugu tagi lahaa ehelkeygii ’’ sidaas waxa tidhi Sabaax.
Hani Cabikariim Xuseen maamulaha xarunta dhimirka ee Gaalkacyo ayaa iyana idaacadda arrimaha bini aadanimada ee Ergo u sheegtay in markii la keenay xarunta dhimirka Gaalkacyo aysan waxba kala garanayn aadna u tabar darayd, lakiin hal sano ka dib oo ay gacanta kuhaysay xarunta dhimirka ee Gaalkacyo  uu wanaagsan yahay caafimaadkeedu oo ay doonayso inay aaddo dalka Yemen lakiin aysan haysan wax aqoonsi ah, sahay safar iyo xiriika dadkeedii oo aysan kala warhelin seddex sano.
 Safiya Daahir Maxamed waa kal kaaliso ka howlgasha xarunta dhimirka ee gaalkacyo waxayna Idaacadda Ergo u sheegtay in caafimaadka  sabaax  hadda wanaagsan yahay, waxayna hadda garatay iney joogto meel aan Yemen ahay kuna sugan tahay Gaalkacyo.
Burhan Cadeysay/MRS
Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here