Beeraleeyda ku dhaw-dhaw magaalada ee beerahooda biyaha ay ka baxeen ayaa bilaabay inay beertaan dalagyada xilliga guga laga isticmaalo gobalka waxayna inta badan biyaha siiya beerha kanaalka barwaaqo oo u dhaw magaalada .
Kanaalka barwaaqo wuxuu waraabiyaa laba kun iyo shan boqol hektar isku celcelin waa afar iyo labaatan km dhererkiisu, wuxuu magaalada kaga began yahay dhanka waqooyi , balse wuxuu biyaha siiyaa beeraleeyda deggan afarta jiho ee ku dhaw magaalada. Dadka kanaalkan biyahiisa isticmaala waxay beeran jireen bariis cadaha laakiin sanadkan waxay beeraleeyda bilowday dalagga galleyda si loo helo bacrimin iyo inay isticmaalaan farsamooyinka dalagga la isku bedelo.
Waxaa jiro dad xoogsato ah oo ku dul nool dadka milkiilayaasha ah ee leh beeraha waaweyn . Cabdi Maxamedd Qadiin waa beeraleey reer Jowhar ah, horay wuxuu u beeran jiray dalaga bariiska cad balse sanadkii hore markii ay biyaha gooyeen ka dib wuxuu xilligan gu’ga udiyaar garoobayaa beerashadda dallaga galeyda iyo digirta.
Faadumo Maxamed Cabdi waa beeraleey waxay sidataa yaanbadii ay beerta ku qodeysay, waxayna ii sheegtay inay muddo laba saacadood u soconeyso beerteeda ayna dooneyso inaay iyada xooggeeda isticmaasho waayo kharashka cagaftu wuu ku badan yahay oo iskama bixin karto, dhaqaalana kama soo gelin beerta labadii xilli ee ina dhaaftay taasoo ay ugu wacan tahay biyihii gooyey.
Ibraahim Maxamed Cali wuxuu ka mid yahay sadex dhallinyaro oo ka xoogsaneysay beer lagu beeray galley, waxayna shaqada galaan lixda aroornimo iyagoo ka baxa laba iyo tobanka duhurnimo sida uu raadiyo Ergo u sheegay ibraahim.
Dadka ku dhaqan gobalka shabeelaha dhexe badi waxay noloshoodu ku tiirsan tahay qodaalka beeraha, wuxuuna gobolku leeyahay dhul ku habboon beerashada.
Maryan/MH/MRS