Xerada Booroow waxay kamid tahay 55 xero oo ku yaalla gudaha magaalada Kismaayo kuwaasoo ay ku nool yihiin qoysaska barakacayaasha ah ee ku soo barakacay magaalada Kismaayo. Xeradaan oo ku taalla xaafadda Faanoole ee magaalada Kismaayo waxaa ku nool in ka badan 150 qoys, asal ahaan waa beeralay, waxaana qoysaskaan oo ah qoysas sabool ah waxeyna herada ay ku sugnaayeen in ka badan 20 sano.
Maxamed Xaaji iyo Khadiijo Xasan waxaa laga dareemi karaa dhibaatooyinka iyo xaaladaha adag ay kuk nool yihiin waxayna raadiyo Ergo ay uga sheekeeyeen sida ay xaaladdoodu tahay iyo dhibaatooyinka ugu daran ee heysta.
“Dhibaato ayaa na heysata, nolasheenna qiil-qiil ayay ku jirtaa, beerihiina mar horaa noogu dambaysay, nolal liidato ayaan ku noolnahay, markii hore waxaan ka soo barakacnay meelo kala duwan, qaar dhulka gosha ayey ka yimaadeen, qaar kalena Baydhabo kuwo kalena Kismaayo agagaarkeeda, dhibaato ayaa na keentay , shaqo ma heysanno, hadda waxaan ku noolnahay tuugsi, umadda Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka waxaan codsaneynaa inay gurmad nala sooo gaaraan,”ayuu yiri Maxamed Xaaji oo ka mid ah dadka ku nool xerada Booroow, wuxuuna hadalkiisa ku sii daray Maxamed Xaaji ee uu yiri “waana noloshaan hadda aan ku jirno noo dhaanta sidii aan ugu noqon lahayn beeraheennii”.
Maxamed Dhaqane Cabdi waxaa uu kamid yahay maamulka xeryaha barakacayaasha ku yaalla gudaha magaalada Kismaayo, wuxuuna raadiyo Ego uu u sheegay in dadka xeradaan ku nool ay yihiin kuwa ugu liita ee dadka barakacayaasha ah ee ku jira kaamamka magaalada Kismaayo.
Tiro guud ma jirto oo laga hayo dadka ku jira xeryaha barakacayaasha ee Kismaayo, afhayeenka maamulka Jubba Cabdinaasir Seeraar ayaa isagu sheegay in xaladda barakacayaasha iyo qoysaska kale ee dhibaataysan ay ka war hayaan, ayna geeyeen hay’addaha gargaarka iyo kuwa Qaramada Midoobay , ayna u sheegeen qorshihii lagu caawin lahaa welise aan jawaab laga helin.
Khadar/MRS