1200 qoys oo ku jira xeryaha barakacayaasha Ceel-waaq

0
31
Dhibaatada ugu daran ee waqti xaadarkani ay ka cabanayaan qoysaskan oo deggan duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ah nolosha oo ku adag iyo helitaaanka biyaha oo aad u liidata, taasoo adkaysay saxada iyo nolosha dadkaan.
Weriyaha Ergo ee Gedo Axmed Cumar oo dhowaan booqdey 6da xero ee ay ku jiraan dad tiradoodu lagu sheegay 1200, siduu  u sheegay Sahal Macalin Aadan oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka Ceelwaaq. Dadkaan ayuu weriyuhu sheegay inay ka muuqatay dhibaatooyin xagga nolosha ah, balse u quud daraynaya sidii gargaar bini`aadinnimo ay uga heli lahaayeen hay`adaha samafalka.
Cabdi Nuur Cabdille oo ka mid ah Guddiga 6da Xero ee Barakacayaasha ayaa raadiyaha ERGO wuxuu u sheegay “Xeroyinka  Baantuu 1, Baantuu 2, Qoryooley, Ceel shama,Saakow iyo Kaam Buusaar oo dhammaantood ku yaalla duleedka Ceelwaaq ayaa dadka ku jiraa yihiin kuwii markoodii hore abaartii 2011dii iyo colaado ay kasoo barakaciyiin gobollada Gedo, Bay iyo Jubbada Dhexe, aysanna gargaar helin muddo 5 bilood”
Sidoo kale Seynab Caamir oo ka mid ah haweenka barakacayaasha ah ee ku jira xerada Buusaar ayaa sheegtay dhibaatada ay qabaan barakacayaasha Ceelwaaq xilligan in ay ugu weyn tahay Hoyga, cuntadda iyo adeega caafimaad  oo liita.
Saalixi/MRS
Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here