70 qoys oo qaxooti oo Ceelwaaq ku noqday

0
49

Soomaali qaxooti ku ahaa xeryaha Dhadhaab muddo dheer o ka badan 70 qoys ayaa dib ugu noqday deegaanka Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo  ay horey ugu soo qaxeen bishaan oo kale sida uu sheegay maamulka degmada.

Aaden Deyroow oo maamulka degmada Ceelwaaq u qaabilsan dib u dajinta qaxootiga soo noqonaya ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in taasi ay tirada dadka qaxootiga ah ee soo noqday lixdii bil ee lasoo dhaafay ka dhigeyso 925 qoys.

Faadumo Xuseen oo ah hooyo toban carruur ah leh oo xeryaha Dhadhaab ku nooleed saddexdii sanno ee la soo dhaafay ayaa ka mid ah qoysaska Ceelwaaq ku soo noqday bishan. “Amman xumida iyo nolosha xeryaha oo adkaaday ayaan uga soo tagnay Dhadhaab,”  ayey tiri Faadumo oo la hadashey weriye Ergo ka tirsan. “Dalkeyna ayaan ku soo noqonay, waana ku nabad qabnaa,” ayey sii tiri.

Hey’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa bishii la soo dhaafay xeryaha Dhadhaab ka furtay xafiis qaxootiga Soomaalida ah ee dib ugu noqonaya u sahasha socodka. Furitaanka xafiiskaas wuxuu qeyb ka ahaa heshiis saddex geesood ah oo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay Nayroobi ku saxiixdeen oo dhigaya in si doorasho ah qaxootiga dib loogu celiyo dalkooda. Si kastaba, Weriyaha Ergo ee Ceelwaaq wuxuu leeyahay qaxootiga Ceelwaaq yimid si iskood ah ayey xeryaha uga soo guureen, wax caawimaad ahna kama aysan helin.

Axmed Saalixi/MRS

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here