XOOLAHA SOMALILAND OO LAGA TALAALAYO CUDURKA SAMBABKA

0
64

Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Somaliland ayaa bilowday ole-ole xoolaga looga talaalayo cudurrada halista ku ah. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir ayaa sheegay in xoolo ka badan afar milyan oo ari ah lagu talaali doono ole-olahan oo toban maalmood Somaliland oo dhan ka socon doona.

Xoolaha ayaa laga talaali doonaa cudurka halista ku ah ariga ee la yiraahdo Sambabka, iyadoo lana daweynayo xoolaha uu cudurku ku dhacay.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Somaliland ayaa sheegay in cudurku dhib dhaqaale iyo ganacsi oo weyn ku keenayo Somaliland oo dadkeedu badidood xoolo dhaqato yihiin. Ka ganacsiga xoolaha oo dibada loo dhoofiyo ayaa ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu weyn Somaliland, iyadoo 70 boqolkiiba dakhliga maamulkaas uu kasoo xaroodo ganacsiga xoolaha.

Hey’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ayaa gacan ka geystay hirgelinta ole-olahan xoolaha lagu talaalayo dhaqaale ahaan.  Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Somaliland howl-wadeenno caafimaadka xoolaha ka shaqeeya oo boqol gaaraya ayey u dirtay lixda gobol ee maamulku ka taliyo, si ay xoolaha usoo talaalaan.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here