QIIMAHA KALUUNKA OO KOR U KACAY MUQDISHO

0
89
Qiimaha kaluunka ayaa kor u kacay saddexdii bilood ee la soo dhaafay, siduu Ergo u sheegay Cismaan Mayo woo ah nin kaluunka ku iibiya suuga kaluunka ee Muqdisho, qimahaan ayaa laban laabmay isagoona ahaa 1kg 60 kun oo shillin halka uu haddana ka yahay 150 kun, koru kacaan ugu badan ee qimuhuse wuxuu dhacay bishii hadda ugu dambaysay.
Mayow ayaa sheegay in kaluunka qiimahiisu inuu kaco ay ugu wacan tahay doonyihiin badda gelayey oo ay hakiyeen dabaylo xad dhaaf ah oo badda ka dhacaya, “doonyihii ay wateen kaluumaysatadu iyagoo fara maran ayey soo noqdaan.
Cali Cabdi oo ah kaluumayste ku sugnaa kawaanka ayaa Ergo u sheegay inkastoo dabayshii hadda sii dhamaanayso oo aan rajaynayno in qiimahii kaluunku ku soo noqdo si caadi ah.
Isticmaalka iyo cunista kaluunka ayaa Muqdisho dadka degani ka yahay mid can ah, markii qimaha kaluunku kordhayna dadkii ay bilaabeen inay wax yar iibsadaan, Sahro Maxamuud oo ah hooyo u usoo adeeg donatay kawaanka kaluunka ayaa Ergo u sheegtay inay maalintii iibsan jirtay 1kg, laakiin qiimaha oo qaali igu noqday waxaan iibsadaa nus kilo.
Farxiyo Cabdalla
Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here