WARARKII QIIMAHA XOOLAHA SAYLADAHA QAARKOOD

0
95

Kulanti wacan dhegeystayaal kuna soo dhowaada warbixinihii qiimaha xooluhu ay ka marayaan saylado kala gedisan, waxaanan todobaadkaan ku bilaabaynaa salayadaha Burco iyo Hargeysa, Cumar Serbiya oo ah weriye ku sugan Hargeysa ayaana u kuur galay wuxuuna sheegay in qiimaha xoolaha ay hoos u dhaceen magaalooyinkaas, marka loo fiiriyo siday ahaayeen saddex bilood ka hor oo ahayd xilligi arafadda lagu jiray.

Burco

Faarax Abtidoon oo ka mid ah ganacsatada xoolaha ee Burco ayaa Ergo u sheegay in qiimaha xooluhu sayalda saaka ka yihiin sidaan.

Geela qurbaca ah

Muunada 1aad = 520

Muunada 2aad = 500

Geela Qaliinka

Muunada 1aad = 800

Adhiga

Muunada 1aad = $82

Muunada 2aad = 75

Faarax ayaa sheegay in maalintii 20 neef oo geel ah oo gudaha lagu qalo la keeno sayladda Burco, iyadoo geela dhoofka ahna loo sii gudbiyo dhinaca magalada Berbera si looga sii dhoofiyo

Hargeysa

Sayladda hargeysa ayaa geela qiimahiisu la mid yahay kan Burco

Adhiga

adhiga waaweyne muunada 1aad = $90

Muunada 2aad = $85

Lo’da

Muunada 1aad = 400

Muunada 2aad = 350

Saynab Cumar oo ah haweenay adhiga ka ganacsata saylada Hargeysa ayaa sheegtay  in xooluhu Hargeysa uga yimaadaan tuulooyinka ku xeeran

Dhinaca magalada Garisa weriyaheena Samsam Cabdiqaadir oo hadda ku sugan, waxayna sheegtay in qiimaha lo’du saddexdii todobaad ee la soo dhaafay kor ayuu u kacay, adhigase labadii todobaad hoos ayuu u dhacay qiimihiisu. sidoo kale saylada Garisa waxaa ku sugan ganacsato isaga kala timid wadamada bariga Afrika oo donaya inay lo’ ka iibsadaan.

Shaafici Shidane Dhaqane oo ka mid ah ganacsatada xoolaha ee sayladda Garisa ayaa sheegay

Lo’da

Muunada 1aad = Kes 50,000

Muunada 2aad = Kes 35000

Adhiga

Muunada 1aad = 6000

Muunada 2aad = 5000

Geela

Muunada 1aad = 60,000

Muunada 2aad = 50, 000

Maxamed Xasan

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here