Beeraleeyda Beledweyne ee beerta dalagyada khudaarta iyo geedmiroodka kale ayaa cabasho xooggani kasoo baxaysey tan iyo biloowgii bishii December, cabashadaas oo ku saabsaneeyd cayaayano weerar ku ah dalagyadii ay beerteen xilli roobeedkii Deyrta.
Isaaq Cilmi Cabdulle oo ka mid ah beeraleeyda deegaanka Weheliye Lugoole oo isna ah meelaha beeraleeydu ka cabanayaan cayayaanka iyo bushiga ayaa mar Ergo su’aashay dhibaatooyinka hadda haya ka jawaabayayay yiri ” Malabiso, diirato, injir, kabajaa iyo cayayaan kale oo yar yar ayaa fara ba’an nagu haya, waxaana ugu daran malabisada, geedkii yaanyada iyo borbarooniga waxaad arkee geedkii qurxanaa oo caleentii madoobaad noqotay ood u maleeynaysid in lagu daadiyay saliidda gubatay ee gawaaradida laga beddelo, markaad gacanta ku taabato geedka iyo mirihiisa waa kugu dhagdhagayaan, sidaas ayaana malabiso loogu magacdaray”.
Haddaba arrintaan ayaan wax ka waydinay Dr. Maxamed Xasan Maxamuud oo ah cilmi baadhe ka tirsan hay’adda calamiga ah ee dhinaca cayayaanka iyo cudurada ku dhaca beeraha ee ICIPE fadhigisuuna yahay magalada Mpita ee ku taala harada Victoria ee galbeedka Kenya.
“markaan arkay cabashadaa, cudurka ku dhacaya midhahan ganacsiga loo beerta sida yaanyadda,cudurada ku dhaca geedka yaanyadda geedku markuu yar yahay kuma dhaco, ee wuxuu asiiba markuu geedku weynaado, saddex meelood ayuuna ka haleelaa, jirida, mirta iyo caleenta, geedkuna wuu madoobanayaan, waxaana keena ili ma aragtay, ilaa weynayso lagu fiiriyo mooyaane aan la arki karin sida fayraska, bakteeriyada iyo fangaska, wayna ku dhacaan yaanyada, barbarooniga iyo khudaarta kaleba.
Cuduradaas iyaga ah waa isu dhow dhow yihiin si ayaana la isugu khaldaa, geedkii inuu qalalo, ama dhaco, baro madmadow, ama geedka cadcadaan ka fuulo caleenta, cudurada badanaa dabaysha ayaa qaada,
Waxaa looga hor tegi karaa, in falka la badiyo, si qoraxdu ugu dhacdo, in la fogeeyo geedkii xumaaday ama mirtii xumaatay,beertana in kormeer joogto ah lagu sameeyo, oo geedkii xumaaday si uusan ugu fidin kuwa fiyow, badanaana cuduradu waxay ku dhuutaan qaybta geedka aan qoraxada arkayn, markastoo geed jiran aad taabato maydh farahaaga ama nadiifi birtii aad ku goysay, sidoo kale joogtaynta nadaafadda beerta ayaa qayb muhiim u ah fayo qabka dalaga, geedaha ha isku cufin, si geeduhu hawo iyo ilayska cadceeda u helaan aysanna cudurada isugu gudbin.
Cudurkaan aadka looga qayliyey ee Malabisada (aphid) cayayaanka ayuu soo jiitaa, wuxuuna geedka ka dhigaa mid xaydh oo kale leh, markuu bilowga yahay wuxuu yaanyada kaga dhacaa dhinaca jirida, laba midab ayuuna yeeshaa oo kala ah cagaar ama casaan, wax lala dagaalami karo ma aha, waxaase looga hortegi karaa si fudud oo aan u baahnayn kharash iyo kiimiko toona, hanta buufinta ayaad biyo ku shubaysaa, xoogaa saabuun ah ayaad ku daraysaa biyihii, hana ka badin saabuunta, marka geedkii aad ku aragtay ku shub, waxayna saabuuntii xadidaysaa koristii malabisada, sidaas ayuuna ku baaba’ayaa.
AS/MH