Xerada Barakacayaasha ee Digaale oo qiyaas ahaan 4 Km dhanka koonfur bari ka xigta magaalada Hargeysa, xarun cusub oo la dejiyey 700 qoys oo dhamaantood laga soo raray xerada barkacayaasha Maxamed Mooge, goobtan oo marka loo socdo dhanka bari looga leexanayo jidka taga gegida diyaaradaha ee Hargeysa, iyadoo la siimaraayo jid raf ah oo dhagaxaan iyo tag taag kala duwan leh, ayaad markaad u sii socoto waxaaa meel fog ka muuqanayaan guryo safan oo dhamaantood ah sandaqado isla wada eg, waxaana sandaqad kasta horyaala taangi kuwa biyaha lagu dhaamiyo ah, labadii sanndaqadood ee is ku xigana waxaa ka dhexeeya Musqul.
Dadka ku nool xeradan oo hada qaarkood laba bilood ay deganaayeen, ayaa ah dad u badan dumar iyo carruur, Amina Cabdilaahi oo ka mid ah dadkii ugu horeeyey ee loo soo raray xeradan oo Ergo u waramaysa ayaa sheegtay ” Waxaan kuu sheegayaa in aanu nimcata Rabi ku jirno, halkii aanu kasoo guurnay waxay ahayd meelaan lagaba sheekayn karin, waxaana nalasiiyey gurigan aan hor taaganahay (Sandaqad hal qol ah) ‘saabuuntii dharka iyo taangigan biyaha, markii hore waxaanu kasoo guurnay meelaan lagaba sheekayn karin siday noloshu noogu adkayd, waayo buul cidhiidhi ah oo aanan wax cunto ah ku haysanin ayaan ku noolayn, balse hadda baro iyo bayd hanti ah ayaan leenahay “ ayey tiri Amina oo ka mid ah barakacaasha loo raray xeradani Digaale oo ku taal dhul ay dawladu sigaara u leedahay
Inkastoo ay dadka badankoodu soo dhaweynayaan halkan cusub ee loo raray, hadana waxay sheeganayaan tabashooyin ay u qabaan baahiyaha aasaasiga ah, oo ay ka mid tahay dugsiyo waxbarasho iyo jid ay u soo maraan magaalada,waxayna taasi keentay in dad markii hore ka xoogsan jiray suuqa Hargeysa ay hada iska dhex joogaan xeradaasi. Xeradan waxay leedahay isbitaal kooban oo jiingad ah,taasi iyada oo dadka caafimaadka aqoonta u lehna ay sheegeen in aan dawooyinka la dhigin meelaha cadceedu kasoo gaadhayso.
Madaama aysan xeradani lahayn meel wax laga barto ayaa Sahra Cabdi oo iyadu ka mid ah hooyooyinka ku dhaqan xeradaasi sheegtay in intaan la soo rarin ay ubadkeedu qaar wax u baran jireen, taasi oo keentay in ay kaga timaado hoygii hore ee ay ka deganaayeen xeradii Maxamed Mooge si ay waxbarashada u sii wadaan ”Wali ma dhammin waayo ubadkii qayb ayaan kaga imi magaaladii inkastoo aan rajo kaqabo in halkan nalooga dhisi doono dugsi wax barasho ” ayey tidhi Sahra oo la hadashay Radio Ergo.
Koronto ayaa ka shidan xeradaan, waana mid gaar loo leeyahay, waxaana isticmaala dad kooban oo iyagu dhaqaale ahaan u awooda, waxaa kaloo jira dad isticmaala korantada qoraxda laga dhaliyo oo qaar ka mid ah hay’adduhu ka hirgeliyeen xerada, arrimahaan ayaana qayb ka ah waxyaalaha nolosha dadkaan kor u soo qaaday.
Axmed Cabdi oo ah guddoomiyaha xeradan Digaale ayaa xusay baahi mudnayd intii aan dadkan la soo rarin ay ka fikiraan dawlada Somaliland iyo hayadihii fulinaayey deegaamaynta xeradani ” Waxa weeye marka la raraayo barakacayaal in laga sii fekero waxay dadkani cuni lahaayeen ilaa 2 bilood “ ayuu yidhi guddoomiyaha Xeradan Digaale oo isna ka mid ah dadkii laga soo raray Maxamed Mooge.
Caasha waa haweenay 9 carruur ah iyo saygeeda kula nool xeradani ayaa iyadu qabta cabsho kale oo dhinaca hoyga ah “ Naguma filna gurigan nala siiyey, waayo sagaal carruur ah iyo aabahood iyo waliba aniga ayaanu nahay, markaa waa nagu cidhiidhi, waxaana nagu filaan kara ilaa saddex qol “ ayey tidhi Caasha
Cumar Maxamed oo ah masuul ay wasaarada dib u dejintu u xilsaartay xeradan ayaan hor dhigay waxyaabaha uga qorshaysan cabashoooyinkaasi ”waxbadan ayaan macquul noqon karin, waayo dadkii iyagu wali waa geedi laakiin marka caadi loo dego, dawlada ayaa ku qasban in xilkooda qaado oo ay ka masuul noqoto, mana muuqato in hada wax kale dadkan loogu daraayo, waayo kuwii kale ayaan wali lasoo rarin oo hawshu ma dhama, waxaana kuwaasi hadda loo sii diyaarinayaa guryihii ay degi lahaayeen”
Iyada oo uu masuulkani ii sheegay in wasaarada dib u dejinta iyo hay’ado ay ka mid tahay NRC , DRC iyo xafiiska xiriiriya arrimaha bani’aadanimo ee OCHA ay u qorshaysantahay qosaska ku nool xeradan la gaadhsiiyo ilaa sagaal kun (5000) lagana dabakeeno qayb ka mid ah qosas ku hadhay xerada Maxamed Mooge ayaa dadkani waxay sheegeen in ay sidoo kale baahiyahooda ugu waaweyn ee ay qabaan ay ka mid tahay, helitaanka jid ay u soo maraan Hargeysa, waxaaana waqti aan boooqday xeradan dadku wel-wel weyn ka qabeen sidii cisbitaal loo gadhsiin lahaa haweenay markaasi foolanaysay.
Weriye Cumar Cali Xuseen Seerbiya oo isagu warbixintaan ka soo diyaariyey xeradda oo uu booqday ayaa sheegay in aysan lahayn goob suuq ah oo dadku ka adeegtaan, haddana wax laga iibsado dukaamo yar yar oo laga dhex furay guryaha, sidoo kalena ma lahan gaadiid dadweyne oo ku xira xerada magaladda, xeradaan ayaa ka mid ah ilaa iyo lix xero oo ay ku nool yihiin qoysas dan yar ahi magaalada Hargesa .
Cumar Serbiya/MH