WAALIDDIINTA OO SOO CELIYAY GUDNIINKA FIRCOONIGA AH SI AY GABDHAHOODA UGU HAYAAN ISKUULLADA

0
212
Photo | Gabar la barayo xirfadda tolidda caga-saarrada/Sawir/Fatuma Maalim

Caadooyinka gudniinka fircooniga ah iyo in gabdhaha da`da yar lagu qasbo guur iyadoo dhaqaale loogu xilanayo ayaa kasii baaba`aya xerada qaxootiga ee Xagardheer  ee deegaanka Dhadhaab, Waqooyi bari Kenya 10kii sano ee ugu dambeeyay, balse saameynta labadaas arrimood ayaa weli taagan.

Waaliddiinta ayaa wacyigelin iyo dadaallo badan kadib soo fahmay dhibaatooyinka ay gabdhahooda u leeyihiin gudniinka fircooniga ah iyo gabdhaha yaryar oo guurka lagu qasbo. Ururro badan oo ka shaqeeya arrimaha haweenka oo gudaha xeryaha Dhadhaab saldhig ka dhigtay ayaa suurogelisay inay hoos u dhacdo kiisaska tacaddiyada gabdhaha iyo haweenkaba loo geysto. Sida ay sheegeyso Nasra Maxamed Maxamuud oo guddiga caalamiga ah ee badbaadinta IRC kala shaqeysa shaqaaqooyinka haweenka lagula kaco, iyadoo ka tirsan koox u xilsaaran inay xaafadaha xeradaas mid mid u tagaan isla markaana wacyi gelin ay ka sameeyaan.

“Wax qarsoodi ah oo suuq madow ah ma garanayo, laakiin aad buu u yaraaday oo dadku waxay leeyihiin waan ka gudubnay FGM mana rabno, waxaa jira shaqaale loo xilsaaray inay xaafadaha wacyi gelin ka sameeyaan iyo kuwo si iskood ah isku abaabylay.” Ayay tiri Nasra.

Nasra waxay markale inooga sheekeyneysaa waxyaabaha ka qeyb qaatay in waalidiintu ay fahmaan dhibka gudniionka fircooniga ah, amaba qaabka ay uga dhaadhicyaan.

“Aniga ayaa tusaale isku soo qaata dhibkaan kasoo maray, qaab geeraar ah ayaan ugu gudbin jiray waxaana oran jiray, waxa aan la dhuubnahay, dhibaatada gudmada hore, meel aan la dhayi karin, dhadhamaha dareemaha, kuwa dhiigga sida iyo halbowlahaa I dhaawacan, wixii aniga igu dhacay, adna kaama dheeroo dhaqankaan wadaagnaa.”

Dhanka kale, guurka xilliga hore ee gabdhaha yaryar ayaa weli si aad ah uga jira gudaha xerada qaxootiga Xagardheer, iyadoo taas laga dheehan karo tirade gabdhaha waxbarashada uga haraya dugsiga hoose ee aan usii gudbin dugsiyada sare, amaba kuwa meel dhexe uga tegaya waxbarashadooda si ay u guursadaan iyagoo aad u da` yar. Arrintan oo markii hore waalidiinta lagu eedeyn jiray ayaa hadda gabdhaha laftigooda waxaa la sheegayaa inay gacan ku leeyihiin, oo ay jiraan kuwo badan oo si iskood ah u guursanaya.

Maxamed Yuusuf Ceyna-ceyn oo ah madaxa waxbarashada xerada Xagardheer ayaa inoo sharraxaya saameynta guurka xilliga hore uu ku leeyahay tirada gabdhaha usoo gudbaya dugsiyada sare.

“Marka aan eegno dugsiga hoose tirada gabdhaha aad ayay u badan yihiin oo tiro lagu qanci karo ayaa kasoo baxa, tusaale ahaan marka wiilashu ay %80 yihiin, gabdhuhu %60-50 ayaa soo baxda, nasiib darrose marka natiijada galaaska 8aad ay soo baxdo waxaa dugsiga sare aada %30 ayaa soo aadda oo inta kale way ka haraan oo dhanka guurka ayay u weecdaan. Hadda fasalka 1aad ee dugsiga sare 120 gabdhood keliya ayaa dhigatada iskuulka sare ee Xagardheer, marba marka ka dambeysa way sii yaraanayaan gabdhaha dhigta dugsiga sare.”

Maxamed yuusuf ceyna-ceyn sidoo kale waa madaxa ururka iskaashiga waalidiinta iyo macallimiinta xerada Xagardheer ee PTA wuxuu sheegay in waalidiintu aysan hadda gabdhahooda ku qasbin guur, laakiin ay taa beddelkeeda weli cadaadis dhanak guriga ah ay ku hayaan gabdhaha, taasoo gabdhaha lafigooda ku kallifeysa inay iyaga u cararaan guurka, iyagoo u arka meel ay kaga baxsadaan caqabado ka heysta guriga iyo waxbarashada oo culeys ay kala kulmaan.

“Waagii hore waa jirtay in gabdhaha lagu qasbi jiray guurka, wacyigelin badan kadib waa istaagtay arrintaas, laakiin hadda waxaa bilaabatay in gabdhaha ay guurka u ordaan, sababtoo ah waalidiinta uma naxaan gabdhahooda oo howsha guriga ayay ku cadaadiyaan, waxaa imaaneysa in gabdhaha ay culeys kala kulmaan waxbarashada oo markii ay dhowr jeer imtixaanaadka ku dhacaan oo ay wadi waayaan ceeb darteed isaga baxa oo iska guursada.”

Marka laga soo tago eedda ay waaliddiintu leeyihiin, waxaa jira gabdho iyagoo waalidkood uu waxbarashada la daba taagan yahay raaca nin, kana dhuunta waalidkood, waaliddiinta qaar ayaa arintan u arkay inay sabab u tahay gabdhaha oo loo gudo gudniinka sunnaha ah (Gudniinka fudud) kaasoo looga jeedo in keliya la saro dhiig yarna laga keeno saxaaxa kore ee xubinta taranka ee gabadha, sidaa dated ayay waalidiinta qaarkood bilaabeen inay gabdhahooda si qarsoodi ah ugu gudaan gudniinka fircooniga ah iyagoo aaminsan in gabadhooda ay ka halaabeyso haddii ay iskaba daayaan gudniinka amaba ay midka fudud u gudaan.

Hooyo 25jir ah oo heysata 4 carruur ah, nagana codsatay inaan magaceeda la sheegin ayaa carruurteed oo laba ka mid ah ay gabdho yihiin si qarsoodi ah ugu gudday gudniinka fircooniga ah, iyadoo ku andacooneysa inay aragtay gabdho badan oo hallaabay.

“Xanuunka gudniinka fircooniga ah waxaa iiga daran ceebta iiga imaan karta gabdhaheyga, gabdho badan oo horor ah ayaan arkay oo ragga hoosta ka galaya, anoo soo maray xanuunkaas haddana waxaan ka baqay in gabdhaha ay sidaas iga noqdaan oo gudniinka fircooniga ah ayaan u guday.” Ayay tiri hooyadan.

Maxamed Yuusuf ayaa xaqiijinaya inay jiraan gabdhaha si iskood ah uga taga waxgarashada ee guurka ka raaca iyagoo aysan cedna qasbin.

“Gabdhaha laftigooda eedda way leeyihiin, waxaa jirta in waalidkoon ka warqabin gabadhooda ay nin la baxsatay, waxaan in badan aragnay in gabadha ay uniformka iskuulka inta iska bixiso hore nin u raacda iyadoo iskuul lagu ogyahay, waa ku badan yihiin Xagardheer.”

Muxubbo Maxamed Cali oo hadda 23jir ah, iyadoo 20sano jir ah ayay sanadkii 2010kii fasanka 2aad ee dugsiga sare ka hartay, kadib markii ay raacday wiil oo ay guursatay, hase yeesheen sababaha ay usii wadan weyday iskuulka ayay ku sheegtay in markii ay reer yeelatay ay la kulantay culeys fara badan, balse hadda dib ayay ugu soo laabatay iskuulka waxayna kasii wadday halkii ay uga tagtay.

“Haddaan waxbaran lahaa anigaa carruurteyda u shaqeysan lahaa, laakiin ninkeyga ma shaqeyn jirin balwad ayuuna lahaa, culeyskaas darteed waan wadi waayay iskuulka, hadda ninkii waan kala tagnay sidaas ayaana iskuulka ugu soo laabtay.” Ayay tiri Muxubbo.

Sababaha ay bulshada Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan ugu dheggan yihiin caadada gudniinka fircooniga ah ayaa waxaa ugu weyn ilaalinta sharafta gabadhahooda, oo ay u arkaan inuu saldhig u yahay gudniinkan. Cabdi Shafad Dubbad oo ah oday aqoon fiican u leh dhaqamadii Soomaalida ayaa qaba in gudniinku door weyn ku leeyahay in waalidiintu awoodaan inay gabdhahooda xilliga ay doonaan u guuriyaan ragga, ayna noqdaan kuwo aan dookh iyo dareemo midna yeelan.

“Gabdhaha yaryar ee aan hadda aragno inay uur yeeshaan, niman la baxsadaan amaba ay waalidka nin u keensadaan waxaa keenaya gudniinka fudud, sababtoo ah gabdhihii hore waxay ahaayeen kuwo laga dhufaanay dareemaha mana aysan awoodin inay rag raacaan oo waalidiintooda ayaa ku dari jiray, laakiin kuwan waxay yeesheen baahiyo badan.”

Hadda waxaa dhammaan dhinacyada ku howlan horumarinta iyo tayeynta gabdhaha ay diiradda saarayaan in wacyigelinta loo weeciyo dhanka gabdhaha oo laftigooda loo sameeyo dhiirri gelin, wacyigelin iyo tayeyn badan, kadib markii la arkay inay gabdhaha gacan ku leeyihiin dhibaatooyinka soo wajaha.

“Waxaa jira barnaamij lagu magacaabo Keep oo loogu talo galay tayeynta waxbarashada gabdhaha, gabdhaha dugsiga hoose waxaa la siiyaa sokor, wiilasha lama siiyo, waxaa la siiyaa sidoo kale nalal ku shaqeeya solarka, buugaagta gabdhaha ayaa loo badiyaan, tan akle waxaan sanadkan shaqaaleysiinnay 3 gabdho oo macallimiin ah oo kaalimo sare ka galay dugsiga sare markii hore gabar qaxooti ah macallimad lagama dhigin jirin, balse waxan uga dan leennahay hadda inay gabdhaha kale ku daydaan.”(Yaa yiri hadalkan – quotation)

Faadumo M. Abukar

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here