Qaar ka mid ah dhallinyarada deegaannadooda kasoo barakacay ee ku nool xeryaha Muqdisho ayaa ganacsiyo yar-yar oo ay noloshooda ku dabaraan ka sameystay magaalada.
Maxamed Sheekh Dhaayaw oo ah aabbe saddex caruur ah leh oo ku nool xerada Alla Amiin ee ku taal degmada Dharkeynley ayaa ka mid ah dhallinyaradaas barakacayaasha ah ee ganacsiyada ka sameystay magaalada, isagoo alaabaha lagu xarragoodo ku iibiya waddooyinka magalaada Muqdisho.
Maxamed oo 22 sano jir ah wuxuu kasoo qaxay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose sanadkii 2011 abaarti dalka ku dhufatay awgeed, isagoo sanadihii uu ku cusbaa Muqdisho ku tiirsanaa gargaarka cuntada ah oo ay bixiyaan hay’adaha gargaarka.
“Sanadkan ayaan go’aansaday in aan ka maarno ku tiirsanaanta cuntada ay hay’aduhu bixiyaan, wiil aan saaxiibo nahay ayaana igu dheeri-geliyay in aan bilaabo ganacsiga waratada iyo wareejinta ah alaabaha,” Maxamed ayaa sidaas raadiyoow Ergo u sheegay.
Maxamed wuxuu hadda jidadka Muqdisho ku iibiyaa alaabaha lagu xarragoodo sida saacadaha, ookiyaalaha qoraxda iyo dahaarka telfoonada gacanta.
“Waxaan ganacsigan ku bilaabay lacag 400,000 So Shilin ah oo u dhiganta $20, waxaana hadda ka helaa inta u dhaxeysa $5 ilaa 10 doolar maalin walba,” ayuu yiri Maxamed. Si kastaba, wuxuu intaa ku daray in shaqadiisa ay ku tiirsan yihiin saddexdiisa carruurta ah, xaaskiisa iyo labadiisa waalid oo xerada kula nool.
Si kastaba, ma ahan qof keli ah ee xeryaha magaalada Muqdisho ku nool oo haddana ganacsigaan ku tiirsan.
Xasan Mustafa oo 18 sano jir ah wuxuu Baydhabo kasoo qaxay isla sanadkii 2011-ka oo abaarahu sida daran u saameeyaan gobolada Bay iyo Bakool. Wixii markaa ka dambeeyay wuxuu ku noolaa xerada Badbaado ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu dhawaan ku aqal-galay.
Xasan wuxuu raadiyoow Ergo u sheegay in nolosha xerada oo ku adkaatay iyo masuuliyada culus ee uu qaaday awgeed uu ku qasbanaaday inuu la yimaado hab uu uga maarmo ku tiirsanaanta cuntada kooban ee laga baxsho xerada. Si la mid ah Maxamed, wuxuu Xasan bilaabay inuu saacadaha, ookiyaalaha qoraxda iyo dahaarka mobile-da uu ku iibiyo waddooyinka magaalada.
“Jumlo ahaan ayaan uga soo iibsadaa dukaamada waa weyn, kadibna tafaariiq ahaan ayaa ugu iibiyaa waddooyinka magaalada Muqdisho. maalin walba $20 doolar ayaa ka faa’iidaa, taasna nolosheyda ayey wax weyn ka badashay,” ayuu yiri Xasan.
Cabdulqadir Cabdulle/MR/MRS