Waraysi Mr. Justin brady madaxa xafiiska ocha Soomaaliya

0
102

Waxaa ku yaal magalada Hargeisa xeryo ay ku jiraa dad barakacayaal ah, kuwaasoo mudo tobanaan sano ah qaarkood halkaas ay ku nool yihiin, hay’adda qaxootiga qaramadda midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in guud ahaan gobolada Soomaaliladn 85 kun oo qof ku yihiin barakacayaal halka Hargeisa ay ugu badan yihiin tirade barakacayaasha ku sugana ay ku sheegtay 45 kun oo qof oo ah tirada ugu badan marka loo eego magaalooyinka kale, haddaba arrimahaan iyo sida dadkaan wax loogu qaban karo ayaan ka waraysanay madaxa xafiiska xiriiriya arrimaha gargaarka Soomaaliya ee OCHA, Mr. Justin Brady marka horena waxaan waydiinay xaalada guud ee dadka barakacayaasha eek u sugan Somaliland gaar ahaan Hargeisa?

Barakacayaasha ku sugan Somaliland annagoo kala shaqlaynayna hay’adda UNHCR iyo maamulka Soomaaliland ayaan doonaynaa inaan u helno xal waara, sida in dibu dejin loo sameeyo, iyo in ay ka mid noqdaan bulshada oo aysan ahaan dad ku jira xeryo barakaca, gaar ahaan barakacayaasha ku jira xerada Maxamed Mooge oo ku taal magalada Hargeysa, muhiimaduna waa in loo helo hab sugan oo arimahan loo wajaho oo ay ka mid yihiin in ay helaan aasaasiyaadka nolosha gaar ahaan goobaha la donayo in dib loo dejiyo.

Su: Sidee noqonayaa dibu dejinta xerada Maxamed Mooge dadka ku jira, dhulka la dejinayaase waa mid intee ka fog magalada, haddiise la dejiyo goob durugsan sidee ku soo gaarayaan magalada oo badi ay ka xoogsadaan?

Waxa jira hanaan muddo soo jiray, inkastoo guud ahaan arrimaha dhulka Soomaaliya ka yahay dhibaato, siiba goobaha la donaya in dibu dejin loogu sameeyo barakacayaasha, sida qorshayaasha dibu dejineed ee ka socda Muqdisho ama Garoowe ama meelaha kale ayey kuwaanina la mid yihiin.

Su: Ma jirta qorshe aad ugu tala gasheen wakhtigaan oo lagu jiro xili roobaadka oo aad uga hortegaysaan inay dilaacaan cudurada faafa sida shubanka, maadaama ay liidato saxada dadka barakacayaashu?

Sidaan iri waxaa jira adeegyo isku xiran oo aan dadka siino oo ay ka mid yihin caafimaadka, cunto , waxbarashada, ilaalinta iyo hoyga, waana inay dhamaan noqdaan kuwaani qorshayaal leh xal waara iyo xal la fahmi karo, WFP waxay wadaa qorshe ay cunto nafaqo leh ku gaarsiinayso, sidoo kale hay’addaha dhinaca caafimaadka ayaa iyana kala shaqaynaynaa sidii ay arrimahaan caafimaadka wax uga qaban lahaayeen wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliland ayaa iyana hawlo wadda kuwaasoo aan ku taageerno.

Su: Waxaa jira dhibaatoyin ka taagan dhinaca dhulka, gaar ahaan marka laga hadalayo barakacayaasha, dhulalkay degan yihiin dad ayaa iska leh, xitaa dhulalka loo rarayo dad ayaa sheeganaya, sidee marka arrintaan u wajahaysaan?

Waa run, arrinta dhulka ma ahan arrin dhibkeeda u taal qaramadda midoobay iyo hay’adaha kale ee la hawl gala, waa arrin hawsheeda ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, waana arrin looga bahan yahay in maamuladu ay kala hadlaan dadka iyo hogaamiyayaasha bulshada si ay isula meel dhigaan dhul aan marna muran geli karaan oo ilaa 10 sano iyo ka badanba ay dadkaani deganaan karaan, dhibaatada dhulkuna waa jirtaa, oo hada soona K ee Muqdisho dadkii barakacayaasha ee deganaa dad ayaa yimid sheegtayna , kuna khasbay inay ka saaraan, waana arin u bahan in si hoose wax looga qabto, haddan u soo noqono dhinaca Hargeysana dadka aan qorshaynayno inaan dib dejin uga samayno xerada Maxamed Mooge si goobta la dejinayo ay bal muddo ugu sii negaadaan oo aysan dhicin in dad yimaadaan oo sheegtaan ayaa hawshaas waxaa wadda dawladda.

Qayb kale oo ka mid ah waraysigaan idacadeheena dambe ayaan idinku soo gudbinaynaa.

Maxamed Xasan – Radio Ergo

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here