Hay`adda Muslim AID UK ayaa la wareegtay isbitalka qaaxada ee degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal, kadib ka bixintaankii MSF, isbitaalka ayaa toddobaadyadii tegey waxaa la soo dersay caqabado badan sida daawada goo gabaabsi noqotay iyo dad badan oo waayey adeegyadii dheeraadka u ahaa daawada TB-da.
“Kadib ka bixitaankii MSF ee dalka, xaruntan waxaa istaagay adeegyadii ay u heysay bukaannada TBda qaba, waxaan sameynay qeylo dhaan badan, waxaana hadda markaan qeylo dhaan sameynay la wareegay hay`addan Muslim Aid UK.” Sidaa waxaa yiri agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo ka hadlayay xafladda la wareegidda Muslim Aid UK ee xarunta qaaxada Burtinle.
Dr. Cabdirisaaq ayaa dhanka kale sheegay in Puntalnd ay ka mid tahay meelaha dadka deggan ay xanuunka qarsadaan, taasoo khatar ku ah nolosha dad badan oo xanuunka qaaxada qaba, wuxuuna ugu baaqay bukaannada qarsanaya inay tagaan xarunta oo ay is baaraan si looga daweeyo cudurka. “TBdu waa cudur, cudurkana daawo ayuu leeyahay, ma aha in la ceebeysto oo la qarsado, wuxuu dhibaato ku yahay noloshaada.” Ayuu yiri agaasimaha.
Muslim Aid UK ayaa ballan qaadday inay kordhineyso adeegyada xarunta, “Xarunta waxaan kusoo kordhin doonnaa nafaqeyn loo sameynayo dadka qaba qaaxada, waxaan sidoo kale kordhin doonnaa shaqaalaha ka shaqeeya xarunta, iyo talo siin bukaannada ah.” Sidaa waxaa sheegay madaxa hay`adda qeybta Puntland Cabdiraxmaan Xasan Maxamed.
Xarunta ayaa waxaa hadda ku jira 30 qof oo daawada si joogto ah u qaata, iyadoo ilaa sanadkan ay soo booqdeen 86 qof oo xnauunka laga baaray, waxaana looga yimaadaa deegaanno fogfog sida xeebaha Mudug iyo Nugaal ilaa dhulka Soomaalida Itoobiya, sida uu Ergo u sheegay maamulaha xaruntan Cabdirisaaq Faarax Cali.
Cabdiraxmaan Xaaji/FM