BELEDWEYNE OO AY KA JIRTO KHATAR FATAHAAD

0
126

Dadka ku nool degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa cabsi ka muujinaya fatahaad uu samayeeyo webiga Shabeelle oo heerka biyuhu ay kor u kacayaan. Ruqiyo Maxamed Xasan oo ah hooyo shan carruur ah dashay, kuna nool xaafadaha ku dhow webiga ayaa sheegtay in heerka biyuhu ay yihiin khatar muujinaysa fatahaad “Ma garanayo waxaan samayno,  ma seexanno habeenkii, cabsi waxanan ka baqaynaa in webigu karkaarada nagu soo jabsado”

Cismaan Xasan Cali oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Beledweyne ayaa Ergo u sheegay in biyaha webigu waqtigaan ay ku dhow yihiin fatahaad, tanoo ka dhalatay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay dhinaca Ethiopia, wuxuuna dadka uga digay in fatahaad ay u diyaar garoobaan, isagoona u sheegay dadka inay wixii karaankood ah u sameeyaan sidii ay uga hortegi lahaayeen, sida inay dhisaan jiinka webiga.

Xaafadaha Hawl wadaag, Kooshin, Xaawo Taako iyo Buundoweyn ayaa ah goobo qararka webigu aad uga jilicsan yihiin, waana meelaha ugu daran ee cabsida fatahaadu ka jirto, Cismaan ayaa sheegay degmada Beledweyne oo ah dhul beereed ay xiliyada sanadka badanaa ku timaado khataro fatahaad, taasoo ay ugu wacan tahay iyadoo aysan jirin hawlo guud oo dadku wax kaga qabanayaan goobaha jilicsan ee webigu ka fataho.

Beeralayda ayaa iyaguna ka digaya daadadka si dhaqso leh u dhaca oo xaaqa dhamaan dalagyada hadda u beeran, Maxamuud Cabdi Macalin oo ka mid ah beeralayda Beledweyne ayaa Ergo u sheegay in waqtigaan ay dhowdahay goosashadii dalagyo kala gedisan oo ay ku tabcayeen bilooyin, cabsiduna tahay inay ku waayaan fatahaad dhacda.

Bishii Abriil ee sanadkaan ayay ahayd markii daadad webigu geystay ay ku barakaceen boqolaal qoys, ayna xaaqeen dhul beero dalagyo kala geddisani ku yaaleen sida Geley, Sisin, Digir iyo noocyada qudaarta.

Hay’adda saadaasha roobabka iyo ka sii digista fatahaadaha ee SWALIM kana tirsan hay’adda cuntadda iyo beeraha qarmaada midoobay ee FAO ayaa digniin ay soo saartay 2 bishaan ku sheegtay in roobab mahiigaan ah oo ka da’ay dhulka sare ee Ethiopia ay keenaan in heerka webiga shabelle ay kor u kacaan gaaraana khatar fatahaad, SWALIM ayaa ka digtay in webiga Shabeele ku fatahao degmooyin ku yaal gobollada Shaboolooyinka.

MK/MR/MH/MRS

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here