GEDO: 90 KUN OO CARRUUR AH OO DABEYSHA LAGA TALAALAY

0
123

Hay’adda caafimaadka adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO ayaa sheegtay in carruur Soomaaliyeed oo ka badan sagaashan kun ay cudurka dabaysha uga talaashay gobolka Gedo.

Carruurtan oo da’doodu ka yar tahay tobanka sanno ayaa shantii maalmood ee la soo dhaafay lagu tallaalay degmooyinka Garbahaarrey, Luuq, Ceelwaaq, Dooloow, Baladxaawo iyo Geedweyne iyo sidoo kale tuulooyinka ku hareeraysan.

Maxamed Sheekh Cali oo ah isu-duwaha xafiis goboleedka Gedo ee hay’adda caafimaadka adduunka ayaa raadiyo Ergo u sheegay tallaalka laga fuliyay deegaannadaas uu qeyb ka yahay oleole la doonayo in cudurka dabeysha looga cirib-tiro Soomaaliya.

Howsha talaalka oo ay iska kaashadeen hay’adaha Qaramada Midoobay ee WHO iyo UNICEF waxaa fuliyay howl-wadeenno gaaraya 700 oo qof oo isugu jira shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo tabarrucayaal ka kala yimid degmooyinka Gedo.

Barnaamijka tallaalka waxaa sidoo kale barbar socday oloole lagu wacyigalinayo waalidiinta ee la xariira faa’iidada tallaalku u leeyahay badbaadada carruurta iyo fayadhowrka guud ee bulshada.

Marwo Faadumo Muxumed oo ka mid ah hooyooyinka deegaanka ayaa raadiyo Ergo u sheegtay in wacyiga dadka ee la xariira tallaalka uu kordhay oo la fahmay faa’iidooyinka tallaalka, islamarkaasna bulshada diyaar u yihiin inay ubadkooda tallaalaan si ay uga badbaadiyaan cudurrada dilaaga ah sida dabeysha.

Shan ka mid ah carruurteeda ayaa qeyb ka ah sagaashan kun ee carruur ah ee laga tallaalay cudurka dabeysha gudaha gobolka Gedo.

Axmed Saalixi/MR

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here