BOQOL KUN OO CARRUUR AH OO WAXBARASHO BILAASH AH HELI DOONA

0
101

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in wajiga koowaad ee barnaamijka ‘Aada Dugsiyada’ oo furmi doona siddeeda bisha dambe uu waxbarasho bilaash ah siin doono boqol kun oo carruur Soomaaliyeed ah.

Wasiiradda horumarinta adeegga bulsho ee dowladda federaalka ah ayaa raadiyo Ergo u sheegtay in carruurtaas oo ku kala nool sagaal gobol oo koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ay waxbarasho bilaash ah oo tayadeeduna sarreyso ku heli doonaan degmooyinkooda.

Sagaalkaas gobol ayaa kala ah gobollada Banaadir, labada Shabeelle, Hiiraan, Galgaduud, Mudug, labada Jubbo iyo Gedo.  Mashruuca ayaan gaari doonin gobollada Bay iyo Bakool sababo dhanka amniga la xariira, laakiin marwo Maryam Qaasim waxaa ay raadiyo Ergo u sheegtay in adeegyada waxbarashada lacag la’aanta ah la gaarsiin doono labadaas gobol sida ugu dhaqsaha badan ee amnigoodu wax isaga beddelo.

Mashruucaan oo ay hoggaanka u hayso wasaaradda horuumarinta adeegga bulsho ayaa dugsiyo waxbarasho ka furi doona degmooyinka sagaalkaas gobolka ee laga fulinayo wejiga koowaad ee mashruuca. 1,500 oo macallin ayaa dhigi doona dugsiyada wax lagu barayo ardayda gaaraysa boqolka kun ee carruurta ah.
“Barnaamijkan wuxuu soo nooleynayaa rajada Soomaaliya, wuxuuna tusaale u yahay dowladnimada oo soo noqotay iyo amniga oo hagaagaya,” sidaas waxaa raadiyo Ergo u sheegtay wasiirada horumarinta adeegga bulshada.

Labada weji ee kale ee barnaamijka ‘Aada Dugsiyada’ waxaa laga fulin doonaa dalka oo dhan oo ay ku jiraan deegaannada Puntland iyo Somaliland waxaana ka faa’iideysan doona carruur dhan hal milyan oo qof oo heli doona waxbarasho lacag la’aan ah sida ay sheegtay Marwo Maryan Qaasim

Yuusuf Keynan/MR/MRS

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here