Bukaannadii ay gacanta ku haysay hay’adda takhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ee isbitaalka Gaalkacyo ayaa walaac ka muujiyay mustaqbalkooda caafimaad, kadib markii ay dhowaan hay`addu sheegtay inay joojisay dhammaan adeegyadii kaalmada caafimaad ee ay ka wadday Soomaaliya.
Goobaha ay MSF gacanta ku haysay ayaa waxaa ka mid ahaa isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo gaar ahaanna qeybaha daaweynta cudurka qaaxada, nafaqada carruurta iyo qeybta dhalmada haweenka ama qeybta umulisooyinka. Iyadoo dadka laga daaweeyo cudurka TBda iyo carruurtaba ay daaweynt ka soo doonan jireen gobollada Puntland, gobollada dhexe, deegaanka Soomaalida Itoobiya meelo ka mid ah iyo dadka barakacayaasha ah, ilaa hadda ma jirto cid ballan qaadday inay buuxinayaan booskii macaawineed ee ay bannaysay ha’adda MSF.
Caydiid Cabdullaahi oo ka mid ah bukaannada qeybta qaaxada ee isbitaalka Gaalkacyo ay daaweyntu uga socotay ayaa Ergo uga warramay walaaca uu qabo, “Waxaan qaataa daawada qaaxada waxaana ka imid degmada Caluula ee gobolka Bari ,maalintii aan imid iyo maantana waxaan kala ahay labo qof oo maantaan fiicanahay, daawadu waxay ii socotay 5bilood iyo 20 casho, aad baana uga xumahay inay MSF shaqadii joojiso, aad baana uga murugeysanahay.” Ayuu yiri Caydiid.
Sidoo kale Xaawo Geelle Xasan Cali oo bukaannadaas ka mid ah ayaa Ergo u sheegtay in markii daawada ay bilaabaysay ay ahayd qof lagu siday bareelaha lagu qaado dadka aan socon karin ee tabarta daran, hase yeeshee hadda u muuqata qof aad u ladan, waxayna daaweyntu u socotay muddo sanad ah.
“Wax kastaa nagu dhici kara in daawadii naga kala go`do, iyadoo aan wali naloo sheegin in daaweyntii noo dhammaatay iyo inkale, inkastoo wali noo socoto daaweyntii haddana waa cabsanaynaa.” Ayay tiri Xaawo.
Bukaannadaas waxaa ka mid ah sidoo kale dad ka yimid meelo fogfog kuna tiirsanaa daawooyinkaas. Axmed Mahad oo ka yimd deegaanka Sarhaye ee deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay mustaqbalkiisa caafimaad sida uu noqon karo haddii uusan helin cid damaanad qaadda daaweyntiisa, “Waxaa na soo food saari kara dhibaato caafimaad oo aad u badan aad baana uga xumaannay inay MSF shaqadii joojisay waxaana codsanaynaa inaysan daawayntu naga kala go’in.” Ayuu yiri Axmed.
Faaduma Cali Jibriil waa hooyo da’ ah waxayna sheegtay inay aad uga xuntahay in adeeggii caafimaad ee ay heli jireen lagu wargelsho inay hay`addii bixin jirtay joojisay, “Waxaan ka imid Bacaadweyn oo ka mid ah gobolka Mudug daaweyntu waxay ii socotaa 2 bilood , waana lacag la`aan waxaana nala yiri hay`addii waa tagtay, laakiin wali daaweyntii waa noo socotaa waase baqeynaa in daawadii naga joogsato.” Ayay tiri Faaduma.
Waxaa sidoo kale raadiyo Ergo uu booqday qeybta carruurta ee isbitaalka guud ee Gaalkacyo oo ay gacanta ku haysay ha’adda MSF oo sheegtay inay ka baxaso Soomaaliya oo dhan. Fardowsa Maxamed Xasan waa hooyo ka timid degmada Goldogob waxayna ilmo yar oo xanuunsan ku haysataa qeybta carruurta ee isbitaalka Gaalkacyo waxayna ka warrameysaa adeeggii ay ka heli jireen oo laga yaabo inuu joogsanayo. “Waxaan halkaan ka helaa adeeg lacag la`aan ah, daawo lacag la`aan ah iyo jiif lacag la`aan ah waxaana codsanaynaa in hay’addii naloo daayo ama hay’ad kale naloo keeno, waayo ma awoodno inaan gadanno daawo iyo adeeggii aan heli jiray oo kale.” Ayay tiri.
Farxaan Yuusuf Bulxan waa Aabbe ilmo xanuunsan afar bilood ku haysta qeybta carruurta ee ay gacanta ku haysay MSF, wuxuuna Ergo u sheegay inuu ka yimid degmada Wardheer oo ka tirsan Itoobiya, wuxuuna walaac ka muujiyay xaaladaha caafimaad ee ay la kulmi karaan, “ilmuhu afar bilood buu xanuunsan yahay, waxaa laga helay maanajaajis xanuunka loo yaqaan, waanu garan weynay markii hore xanuunkiisa halkaanaan keennay, waxaan helnay daaweyn iyo baaritaan, MSF baa joogtay haddana wey baxda, waxaana maamulka Puntland ka codsanynaa in dadka la samata bixiyo oo aan cidla lagu sii dayn.” Ayuu yiri Farxaan.
Cali Cabdullaahi Warsame oo ah wasiirka caafimadka ee Puntland ayaa sheegay in Puntland ay aad uga xuntahay in la waayo adeeggii caafimaad ee ay bixin jirtay MSF, hase yeeshee ay ku dadaalayaan inay buuxiyaan baahida adeeg ee jirta, “Waxaan ku dadaali doonnaa in howshii ay sii socoto oo aysan joogsan shaqadii, waxaa ku jira qeybta TBda bukaanno gaaraya 215 qof oo 15 ka mid ah ay yihiin bukaanno aad xaaladdoodu u adagtahay oo kujira marxaladda jeermisku uu daawada la qabsado,qeybta umulaha waxaa bishii ku dhalan jiray 300 oo ilmood,waxayna bixin jireen howl wanaagsan.” Ayuu yiri wasiirka.
Hay`adda takhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa ku dhawaaqday inay joojisay caawinaaddii dawo ee gudaha Soomaaliya ay ka wadday 14kii bishan Agoosto, waxayna sanado badan xaalado adag kusoo caawineysay dadka Soomaaliyeed .
Burhaan Maxamed Cabdi/FM/AM