ISBITAALKA AFMADOW OO DAAWO LA`AAN U XIRIMI RABA

0
74

Isbitaalka guud ee degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa qarka u saaran inuu u xirmo daawo la’aan. Agaasimaha isbitaalka dhakhtar Xasan Mursal ayaa raadiyo Ergo u sheegay in daawooyinku ay gabaabsi ku yihiin isbitaalka degmada Afmadow oo ah xarunta kali ah ee caafimaad ee laga helon karo degmada iyo deegaanada ku dhow.

Dhakhtar Xasan Mursal wuxuu intaa ku daray in hay’ad isbitaalka dhanka daawada iyo dhaqaalaha ka caawin jirtay toddobadii sano ee la soo dhaafay ay joojisay kaalmadeedii sanadkii hore.

8dii bil ee la soo dhaafay isbitaalka ma uusan helin wax daawo iyo kaalmaha, keydka daawooyinka wuu faaruqay sida uu sheegay dhakhtar Xasan Mursal, agaasimaha isbitaalka degmada Afmadow.

Agaasimuhu wuxuu intaa ku daray in xilligan xagaaga ah oo ay kordhaan bukaanada isbitaalka imaanaya ee la xanuunsanaya cudurrada maqaarka iyo caabuqa ku dhaca neefmareennada uusan isbitaalka Afmadow haysan daawooyin bukaannada la siiyo.

“Shaqaalaha caafimaad ee isbitaalka dhamaan way joogaan, diyaar ayaana u nahay in aan caawinno bukaanada laakiin ma haysanno wax dawo ah,” sidaasna waxaa yiriri agaasimaha isbitaalka.

Bukaanno ka badan 20 qof oo qaba xanuunno kala duwan ayaa xilligan jiifa isbitaalka, waxaana qaarkood daawooyinka looga soo iibiyaa dukaamo gaar loo leeyahay oo dawooyinka iibiya gudaha degmada Afamdow.

Kismaayo oo 120 km u jirta degmada Afamdow ayaa laga heli karaa xarunta caafimaad ee ugu dhow degmada Afmadow, wuxuuna dhakhtar Xasan Mursal ku sheegay inay tahay safar dheer oo halis badan oo bukaanada badi aysan geli Karin, wuxuuna ugu dambeyntii agaasimaha ka codsaday dowladda dhex, hay’adaha samafalka iyo bulshada Soomaaliyeed inay gargaar dawo oo deg deg ah la soo gaaraan isbitaalka, si aysan u xirmin isha caafimaad ee keli ah ee degmada Afmadow.

Khadar Maxamuud Xareed/MR

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here