150 OO CARRUURTA BARAKACAYAASHA AH HELAY WAXBARASHO LACAG LA`AAN AH

0
28

Dugsi hoose iyo dhexe oo si lacag la’aan ah wax loogu barayo carruurta qoysaska deegaannadooda kasoo barakacay ee ku nool xeryaha ku yaal magaalada Gaalkacyo ayaa laga furay magaaladaas. Dugsigan oo loo bixiyay Farxaan ayaa ka kooban saddex fasal oo loogu talo galay in wax ay ku bartaan 150 caruur ah oo ka soo jeeda qoysaska deegaannadooda kasoo barakacay.

Cabdulfataax Cumar Aden oo xubin ka ah hay’ad maxalli ah oo la yiraa Dalharso oo dugsigan howlgalisay ayaa raadiyo Ergo u sheegay in dugsiga ay ka faa’ideysan doonaa carruurta aan haysan fursadaha waxbarasho oo ka kala yimid xeryaha Doonyaale, Alla Aamin, Warshad Galley iyo xerada Kulmiye oo ku yaal magaalada Gaalkacyo.

Maxamed Cabdi Gaas oo ah guddoomiyaha waxbarashada degmada Gaalkacyo dhanka Puntland ayaa raadiyo Ergo u sheegay in dugsigan uu qeyb ka noqon doono dhismaha mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed ee ku nool shanta xero.  Maxamed Cabdi wuxuu intaa ku daray in wasaarada waxbarashada Puntland ay qeyb ka qaadan doonto socodsiinta howsha dugsiga, isagoo ballanqaaday agabyo waxbarasho.

Waalidiinta barakacayaasha ah ayaa aad u soo dhaweeyay dugsiga cusub ee carruurta barakacayaasha ah ee Farxaan oo ay ku hanweyn yihiin inuu daboolo baahiyaha waxbarasha ee ubadkooda.  Carruur badan oo gaaray da’da waxbarashada oo ku nool xeryaha barakacayaasha ee Gaalkacyo ku yaal ma helaan fursado waxbarasho.

Shaash Maxamed Maxamuud oo ka mid ah waalidiinta carruurtooda ay ka faa’iideysan doonaan dugsigan ayaa raadiyo Ergo u sheegtay in aysan awoodi Karin in dugsiyada magaalada ee lacagta la isaga qaado ay carruurteeda gayso. Laakiin dugsiga lacag la’aanta ah uu ka caawin doono qoysas badan oo dhaqaale xumo awgeed aan carruurtooda dugsiyo gaynin inay wax u bartaan.

Burhaan/MR

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here