Qaramadda Midoobay ayaa sheegtay in hawlihi dib u dejinta ee dadka barakacay loogu samanayey gudaha Muqdisho ay weli socoto, inkastoo dibu dhac aan badnayni ku imaan karo wakhtigii loo qabtay oo ahayd 20 bisha Agoosto.
Mustafe Muxumad Cumar oo ah u qaybsanaha arrimaha barakacayaasha Muqdisho ee xafiiska xiriiriya arrimaha bani’aadannimo ee Qaramadda Midoobay OCHA ayaa Ergo u sheegay in bisha ramadaan oo la guda galay, arrimo dhinaca amaanka oo soo kordhay iyo arrimo farsamo oo kale ay suurto gal ka dhigi karto dibu dhac aan waqti dheer ahayn, sidookale dadka la rarayo oo aad u badan iyo waqtigoo kooban ay tahay iyana arrin kale, hawshuse ay waqtigaan u socoto si xawli leh.
Mustafe ayaa sheegay in wejiga koowaadse waqtigii la qabtay lagu rarayo 13 kun oo qoys lana geynayo degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, oo dawladdu ka diyaarisay dhul 1.5 km ah, sarkaalka ayaa sheegay in waxbadan laga sugayo dawladda Soomaaliya sida, deegaamaynta iyo arrimaha ammaanka oo la’aantood aan tallaabo la qaadi karin.
Dawladda Soomaaliya ayaa la timid qorshaha dibu dejinta barakacayaasha, si loo sugo amaankooda iyo in si hagaagsan loo gaarsiiyo sahayda gargaarka iyo goobahay hadda deggan yihiin oo aan ku habboonayn degsiimooyin dhanka saxada iyo faya qabka.
Siday warbixintii ugu dambaysay ee UNHCR ka soo baxday sheegayso magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ku sugan 369,000 oo barakacayaal ah, kuwaasoo durufaha ammaan iyo nololeed ee ay qabaan iska liitaan, ayna u sii dheertahay dhibaatooyin ku khasba inay noqdaan kuwo guurguura ayna ka mid yihiin dhulka oo laga kiciyo, si khasab ah oo loo celiyo, iyagoon haysan asaasiyaadkii nolosha iyo isku dhacyadda. UNHCR ayaa intaas ku dartay in 4,485 barakacayaal ahi ay Muqdisho dib uga noqdeen iyagoo aaday goobihii markii hore uga soo barakaceen tan iyo bishii January ee sanadkaan 2013ka, iyadoo intaasna ku dartay xal waara ay u bahan yihiin dadka barakacayaashu si ay ugu noqdaan deegaannadoodii, iyagoo taas niyadda ku hayana ay la dhiseen dawladda federaalka Soomaaliya hab qeexaya arrintaan.
OCHA ayaa iyadu sheegtay in dibu celinta dadkaan ay ku xiranaan doonto haddba siday isu beddesho xaaladda waddanku, iyo dadka laftigoodu rabitaankooda ku aadan inay ku sii noolaadaan Muqdisho iyo inay dib ugu noqdaan guryahoodii, ayna tahay muhiimaddu in dadkaani aysan weligood ahaan dad ku jira xeryo ay ku sugaan taageero, xeryahaan hadda dibu dejinta loogu samaynayaana ay ka mid tahay talaabooyinka xal waara loogu helayo dadka barakacayaasha.
MH/AM