In ka badan 1000 Qoys oo barakacayaal ah kuna jira xerada Margaaga oo ka tirsan deegaanka Bacaadweyn oo 55km waqooyi bari ka xigta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inay qabaan baahiyo dhanka cuntada, biyaha, waxbarashada, caafimaadka iyo hoyga.
Cabdiwali Gacayte oo ah guddoomiyaha barakacayaasha Margaaga ayaa Ergo u sheegay in barakacayaashan oo tiradoodu tahay 1,345 ay degganaayeen halkaas ku dhowaad 15 sano, “Baahiyaha ugu badan ee aan qabno waa hoyga, sababtoo ah hadda dabeylo ayaa jira, tan kale carruur badan ayaa xerada jooga kuwaasoo waxbarasho la`aan ah, sidoo kale cuntada ayaan baahi u qabnaa.” Ayuu yiri Guddoomiye Gacayte.
Barakacayaashan ayaa kasoo barakacay deegaannada miyiga ah ee Puntland sanadkii 1998dii, abaarihii dalka ka dhacay ayaana xoolo tiray, guddiga arrimaha qaxootiga ee Norway NRC ayaa ku caawisay jiingado ay hoy ka sameystaan, balse waxaa weli jira qoysas kale oo aysan caawinaas soo gaarin, sida uu mar kale sheegay Gacayte.
Xasan Maxamed Dirir oo ka mid ah barakaayaashaas ayaa sheegay in xerada Margaaga uu ku yaallo hal ceel oo aan biyihiisa ku filneyn barakacayaasha halkaas ku nool, taasoo sababtay baahiyaha biyaha ee ka jira xerada.
Guddoomiyaha xeradaas ayaa ugu baaqay hay`adaha samafalka inay caawinaad lasoo gaaraan barakacayaasha Margaaga, oo ah xeradii barakac ugu horreysay ee Puntland laga aasaaso.
Burhaan Cadeysay/FM/AM