Kulan muddo laba maalmood ah Garoowe uga socdey ururada haweenka gobollada, NGO-yada iyo wasaarada horumarinta haweenka Puntland ayaa waxaa aad loogu lafa guray arrimaha la xiriira is bedel lagu sameeyo ganacsiga qaadka oo ah shaqo ay aad ugu badan yihiin dumarka ku nool deeganadan oo dhan, tuulo ilaa magaalo.
Natiijo wax ku ool ah ayaa ka soo baxday kulanka iyadoo la isku raacay in gebi ahaanba qorshe loo sameeyo haweenka Qaadka iibiya kuwaasi oo carruurtooda ka biisha, iyadoo la isku raacay in ay dhibaato ku qabaan haweenka ganacsiga qaadka, waxaa uu daba socdey nidaamka cusub ee haweenku go,aamiyeen mid ay wasaaradu horey u waday oo ahaa in ganacsi loo sameeyo kuwa kalena dhaqaale ay wax ku sameystaan la siiyo isla markaasna la joojiyo gebi ahaanba in haweenku qaadka u shaqo tagaan.
“ Aniga waxaan ka mid ahay haweenka fara ku tiriska ah eek u jira rrurada hadda tartamaysa muhiimadaydu maaha in aan idin iraahdo siyaasada ku biira ee waa isku xirnaada oo dadaal muujiya, isuna samra, dhinac kastana ka dhex muuqda, markaas waxaad qaadi kartaan talaabo kasta oo aad jeceshihiin in aad wax ka qabataan, sida arinta aan maanta ka doodeyno ee joojinta dumarka qaadka iibiya ee deeganadeena” ayey tiri Luul Jaamac oo ka mid ah ururka haweenka Wadajir ee Puntland iyadoo kulanka ka hadashay.
Hay,adda horumarinta Qaramada midoobey ee UNDP iyo hay,ado kale ayaa wasaaradda waxbarashada la kaashanaysaa in qorshahaas la hir geliyo, isla markaasna dumarka qaadka iibiya ganacsi kale loo sameeyo. Wasiirka haweenka Puntland Xaliimo Xaaji ayaa tiri” Dumarku dhibaato ayey iskaga jiraan oo anfac fiican kama helaan iibinta qaadka, balse danta ayaa ku kalifaysa in ay carruurtooda u shaqo tagaan si ay wax uun u helaan, ma jiri jirin dalkeena dumar qaad iibiya waagii dowlada haddana saas ayaan jecel nahay in mar kale deeganadan lagu arkin”.
Duruufo dhaqaale oo qoyska haysta ayaa la isku raacay in ay tahay in dumarka ay qaad iibiyaan waxa u sababta noqday, Wasiirka haweenka Puntland waxay sheegtay in ay hay,adaha ula tegi doonaan nidaam cad oo arrintan wax looga qabanayo iyadoo dumarka la weydiin doono rabitaankooda ganacsiga iyo in ay helaan nolol cusub, waxay ka codsatay haweenka ku howlan arrintan in la shaqeeyaan wasaarada iyo ururrada wadda ololaha joojinta dumarka qaadka iibiya.
Waa ganacsi dhaqaale badan haddana aan anfac fiican lahayn sababtoo ah dumarku waxay lacagtooda ku waayaan demyo iyo in lagala goosto qaadkooda, taasi oo ah caqabadaha ugu weyn ee keenay in arintan laga doodo, ayna u sii dheertahay dayac jidheed, maskaxeed iyo carruureedba. Kulankii haweenka ee dhowaan ka dhacay Garoowe waxaa kaloo lagu xusay in ay astaan tusaale ah u noqon karto Gabar dhowaan ay ciidamo ka tirsan Puntland ku dileen gudaha Garoowe markii ay u raadsatay lacagta qaadka oo ay wakhti ku leedahay arintaasi oo canbaareyn u jeediyeen Urarada haweenka.
Cabdiraxman Maxamed Xaaji/MH/FM