Barakacayaasha ku jira xeryaha barakaca ee duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inay qabaan baahiyo ay ka mid yihiin cunnada, hoyga iyo caafimaadka, iyadoo roobabkii Guga ee ka da`ay gobolka ay saameeyeen buushahka ay deggan yihiin.
Xerooyinka Baantuu 1, Baantuu 2, Qoryooley, Ceel shama iyo Kaam Buusaar oo dhammaantood ku yaalla duleedka Ceelwaaq waxaa ku jira 1,280 qoys oo markoodii hore abaaro iyo colaado ay kasoo barakaciyiin gudaha Gedo, gobollada Bay iyo Jubbada Dhexe, sida ay sheegeen guddiga 5tan xero.
Muumina Cali, waa hooyo leh 5 carruur ah waxayna ku nooshahay xerada Baantuu 1, waxay kasoo barakacday gobolka Bay ee deriska al ah Gedo, kana mid ahaa gobollada ay sida ba`ad ugu dhufteen abaarihii dalka ee sanadkii 2011kii, Raadio Ergo ayaa ku booqday buush yar oo ay biyo dhex ceegaageen oo iyada iyo carruurteeda ay ku nool yihiin, waxayna sheegtay “Markaan joognay Bay xoolo ayaan lahayn oo aan nacfi ka heli jirnay, abaarihii ayay xoolaha dhammaan iiga le`deen, hadda halkaan ayaan soo miciin bidnay aniga iyo qoyskeyga si aan nolol u helno.” Ayay tiri.
Cabdiweli Maxamed Xirsi oo ah horjoogaha xerada Baantuu 1 ayaa Ergo u sheegay “Guryaha aan degannahay waxay ka sameysan yihiin baco, baakado iyo maryo aan celineynin biyaha roobka iyo dhaxanta, sidoo kale biyaha oo dhex ceegaaga gudaha xeryahana waxay sababtay in cudurrada faafa sida shuban biyoodka ay ka dillaacan gudaha xeryaha, marka waxaan samafalayaasha ka codsaneynaa inay wax ka qabtaan baahiyaheenna.” Ayuu yiri Cabdiweli.
Barakacayaashan ayaa ku tiirsan gargaarka hay`adaha samafalka, balse haatan waxaa adag gaaridda dadkan, sababo la xiriira roobabka da`aya oo gooyay waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Gedo, sida uu Cabdiweli sheegay.
Axmed Cumar Saalixi/FM/AM