ISBITAALKA SOS OO DIB LOO HOWLGELINAYO

0
79

Cusbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee SOS wuxuu ka mid yahay xarumaha caafimaad ee ka jira magaalada Muqdisho, waxaana cisbitaalku uu ka mid yahay cisbitaalladii hawl gali jiray xilligii ay jirtay dowladdii dhexe ee uu hoggaamiyaha ka ahaa Allaha u naxariistee Maxamad Siyaad Barre.

Haddaba cisbtaalka oo  qaban jiray hawlo ay ka mid yihiin xanaanada iyo daweynta hooyada iyo dhallaanka, iyo iyadoo dhinaca kale uu cisbitaalku lahaa qeyb lagu xanaaneyo carruurta agoomaha ah, ayaa wuxuu muddooyinkii dambe ahaa mid xiran oo aan shaqaynayn,  ka dib dagaallo iyo duqeymo ka dhacay goobta uu ku yaalol cisbitalka, kuwaasoo sababay in qaar ka mid ah shaqaalaha cisbitaalka ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac  ka soo gaarto duqeymo lala soo beegsaday.

 

Haddaba maalinnimadii shalay ayay mas`uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaliya oo uu hor kacayay wasiirka arrimaha gudaha ee DKMG Soomaaliya Cabdisamad Macallin Maxamuud, kormeer ku tageen xarunta cisbitaalka, waxayna uu ka codsad maamulka Cusbitaalkaasi in ay dib u howlgeliyaan qeybaha cusbitalka si uu u fuliyo howlihii caafimaad ee uu u hayay  shacabka Soomaaliyeed.

 

Mid ka mid ah odayaasha deegaanka cusbitalkana  joogay muddadii uu xirnaa  ayaa codsaday in Cisbitaalka dib loo furo, isidoo kalena la furo jidadka soo gala cisbitalka si ay dadweynuhu u soo gaaraan.

Tobankii Oktoobar ee sanadkii hore ayaa la xiray Isbitaalka SOS xilligaas oo  madfac ku soo dhacay isbitaalka iyo qeybta farmashiyaha uu sababay dhimashada mid kamid ah shaqaalaha,SOS waxa ay ku warantay in markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1985-tii ay si buuxda u soo firaaqaysay goobtii ay degganayd sababo la xiriira ammaanka.

Bar ay internet-ka ku leedahay hay`addaasi ayaa lagu faafiyay in tallabaadasi ay u qaadatay si loo hubiyo amaanka shaqaalaha, ka dib dagaallo maalmo xariir ka soconayay xaafadda uu ku yaalo cusbitalka.

 

AA/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here