Cabdicasiis Koronto: Dilkii labadaydii qareen waa mugdi soo wajahay dhibbanayaal badan

0
53

Weerarradii is miidaaminta ahaa ee lagu soo qaaday maxkamadda sare ee magaalda Muqdisho 14kii bishan Abriil 2013 ayaa sida la og yahay waxaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay labada qareen ee kala ahaa Prof Maxamed Maxamuud Afrax iyo Doctor Cabdicasiis Xasan Gorod. Labadan qareen ayaa ahaa kuwii u doodayay Cabdicassiis Ibraahim Koronto  oo ahaa weriye u soo warrama idaacadda Ergo oo loo xiray inuu wareystay haweeney ku cabatay iney kufsadeen rag ku labbisan direyska askarta dawladda iyoLuul Cali Cosmaan oo loo haystay iney ka been abuurtay sheekdada kufsiga.

Labada qareen ayaa kaalin mug leh ka qaatay sidii loo sii deyn lahaa labadan dhibbane iyadoona ay jirtay cadaadis kale ee ka imanayay hay`adaha caalamka ee u dooda xuquuqda bani`aadamka. Haddaba Cabdicasiis ayaa uga sheekeeyay radio Ergo sida uu uga tiiraanyooday dilkii loo geystay qareennadaas ee uu ku tilmaamay iney tahay mugdi soo wajahay dhibbanayaal badan. Cabdicasiis wuxuu sheekadiisa ku bilaabay:

“Anniga lixdan iyo lix maalmood ayaan xabsi ku jiray, horay weligay la iima xirin, waxaanan wakhtigaas ka soo maray xaalado adag, waxaanse ugu dambayn helay xoriyadaydii, waxaanan u mahad celinayaa dhamaan qaybihii kala duwanaa ee ka qayb qaatay sii dayntaydii, inta nool iyo intii dhimatay oo ay ka mid yihiin labadaydii qareen ee dhacdadii xanuunka badnayd lagu dilay.

Labadaan qareen xasuus weyn ayey igu leeyihiin, markaan xasuustana dareen gaar ah ayaan galaa, shakhsiyadoodu runtii aad baan ula dhacsanaa, siday ula macaamilaan qof xiran, xabsi aanan xushmo ku lahayn oo ay u muujiyaan qadarin,  dadaalkay siiyaan dadka xiran iyo sidii ay u heli lahaayeen xaqa sharci ee dadkaas xirani leeyihiin.

Intaan la i xirin labadaan qareen aqoon durugsan uma lahayn, keliya marar aan warar u doonto ayaan u tegi jiray, waxaanse aad u bartay intii ay ii noqdeen wakiilo i difaaca, todobaad kasta laba goor ayey xabsi iigu imaan jireen intaan xiranahay, waxayna ii dejin jireen qalbiga, waxyaabaha ay igu imaan jireenna waxaa ugu weynaa inay i siiyaan dhiiri gelin miskaxeed, waxay ahaayeen dad faraxsan markay ii imaanayaan, ereyaday i dhihi jireenna waxaa ka mid ahaa samir, xaq darro ayaad u xiran tahay waana lagu sii deyn doonaa.
Arrinta aanan marna ilaaweyn ayaa ahayd, markii cudurka shubanku ka dilaacay xabsiga

Muqdisho oo saxadiisu liidato, side ku qiyaasi lahayd inay tahay nadaafad iyo xanaanno la siiyo xabsi ku yaal magaallo dagaallo ay burburiyeen in ka badan 20 sanno, oo aan lahayn hab biyo, hanaan caafimaad iyo nadaafad hagaagsan, xabsiga magaalo sidaas ah ku sii yaalna waad dareemi kartaa intuu heli karo faya qab wanaagsan.

Markii cudurka shubanku ka dilaacay xabsiga waxay noqotay cabsidii iigu badnayd ee isoo wajahda, maxaabiistii cudurkii si tarab tarab ah ayuu u soo ridanayaa, waxaan samayno ma naqaan, qof kastaa xabad ORS ah ayaa la siiyey oo uu isku difaaco, haddii shuban ku soo bood ahi haleelo, iyadoo xaladda cudurku sidaas tahay ayaa goor fiid ah oo saacadana aan ku qiyaasay ilaa 8:00 fiidno iyo waxoogaa daqiiqaddo ah wiilkii aan ku saaxiibnay xabsiga oo qolka igula jiray bilaabay shuban, weliba si daran, ORStiisii ayaan siiyey, wuuna dhamaystay, taydiina waan ugu daray sidaas baanan habeenkii oo dhan ula tacaalayey iyadoo goobtu mugdi tahay, shubanka saxiibkayna meel kasta dadsan yahay, ay naga dhamaatayna wixii aan isku difaaci lahayn ee ORSta ahayd, anniguna is leeyahay goormaad bilaabi doontaa,  cidina aysan kuu soo baxayn, markii waagu beryeyna ilaaladii ayaan u sheegay gacanna siiyey, inkastoo xaaladdaha shuban ee xabsiga ka dilaacay aan u arkay inaan talaabaddii hagaagsanayd lagula tacaaliin oo lala daahay haddana waxbay u qabteen.

Qareennadaydii subaxii ayey ii yimaadeen annigoo qaba cabsidii shubanka, runtiina waxay ahaayeen geesiyaal i siiyey adkaysi dhinac kasta, ka sokow qareenadaan kiiskayga waxaa jira boqolaal qof oo kale oo ay gacanta ku hayeen kiisaskoodda, markastana iyaga sugayey xitaa anniga sii dayntaydii kadib, qareenaddu waxay difaacayeen xitaa dhalinyaro ku eedaysan Alshabaab oo ay lahaayeen waa in la keenaa cadaymo.

Dhimashadooduna waxay u noqonaysaa boqollaal ku jira xabsiyadda habeen madow oo soo wajahay, waayo Muqdisho in laga helo qareenno sidaas oo kale ah aad bay wakhtigaan u adagtahay, wadanka kama soo bixin sharci yaqaanno muddo dheer, kuwii horena waa gaboobeen, dhinteen ama ka baxeen wadanka, dadka dilayna waxay goob banana dhigeen dhibanayaal  isugu jira shicib iyo kooxo ku eedaysan inay ka tirsan yihiin dadka qaaday weerarkaan.

Koronto ayaa sidoo kale sheegay inay warfidiyeennada Soomaaliyeed yihiin geesiyaal  leh aqoon inta aan isleeyahay way tebinayaan dhibaatooyinka iyo dhacdooyinka murugada badan ee dadkooda haysta, isqarxinta, kufsiga, barakicinta iyo dhamaan dhibaatadda dhinacyadda badan leh, anniga xarrigaygiina u malayn maayo inay wax u dhimayso warfidiyeennadda inay gutaan waajib qaran oo saran”

Cabdicasiis Koranto ayaa ugu dambayn u mahad celiyey beesha calamka oo cadaadis iyo juhdi aan kala har lahayn ku bixiyey sii deyntiisii iyo inay taageeraan warbaahinta Soomaaliya iyo dadka ku shaqeeya xilli lagu hayo dil, xarig, handadaad iyagoon weliba haysan qalab, xirfad wanaagsan iyo deegaan nabdoon oo ay ku shaqeyaan.

MH/AM

 

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here