Dadka barkacayaasha ee ku nool xerada barakacayaasha Halabooqad ayaa welwel ka muujinaya iney dhibaato caafimaad-darro uga timaaddo roobabka Gu`ga oo si weyn uga da`aya Gaalkacyo . Waxay dadkani si gaar ah uga baqayaan meelaha biyo fariisinka ah oo wasakheysan ee laga yaabo iney kaneeco ka dhalato iyo cudurro kale. Roobabkaas ayaa waxay dhibaato u geysteen guryihii cooshadaha ahaa waxayna dumiyeen waxayna hoy la`aan ku rideen dad gaaraya 76 qoys sida uu ku warramay Cabdullahi Xuseen Cirfe oo ah guddoomiyaha xerada Halabooqad.
“ Roobkaas aad iyo aadbay ugu dayacanyihiin dadka dagan halabooqad, kuwii dhisnaana biyihu waa galeen ku wii kalana wey dunsheen, dadkuna waa tabaryar oo barakacayaal ah, una baahan yihiin iney gacan ka helaan dadyowga samafalayaasha ah iyo hay`adaha kale si looga hortago dhibaato laga yaabo iney biyadhiggasi keenaan” Sidaasna waxaa idaacadda Ergo u sheegay guddoomiyaha xerada halabooqad Cabdullaahi Xuseen Cirfe.
Ruqiya Farax waa hooyo waayeela waxayna iiga warrantay sida uu roobku waxyeello ugu geystay hoygeeda,”Guryuhu waa wada dildilaacsan yihiin si xunbuuna u soogalay haddii uu roobku sidaas ku sii socdana wuxuu keeni karaa mar kale soo laabtana waxuu keeni karaa khatar ah inaan meel aan gali waayo” Sidaas waxaa radio Ergo u sheegatay Ruqiya oo ka mid ah dadka barakacayaashaha.
Axmed Cali Salaad waa guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee Puntland wuxuu Idaacadda Ergo u sheegay inaysan kaligood waxaba ka qaban karin biyahas, wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay iney tahay midda ugu daran hadda sidii looga hortagi lahaa iney cudurro halkaas ka dhashaan. Waxaa kaloo dadka deegaanka Galkacyo ugu baaqay iney gacan ka geysataan sidii wax looga qaban lahaa dhulka badan oo ay biyuhu fariisataan.
D.r Maxamed Xuseen Aden waa Agaasimaha Isbitaalka guud ee Gaalkacyo waxuuna ka waramay sida loogu baahan yahay in looga hortago inaysan halkaas ka dhalan cudurrada faafa, lana nadiifiyo jidadka magaalada oo dhab iyo xeryaha barakacayaasha oo iyagu ugu daran. biyaha fariistay jidadka magaalada iyo goobaha barakacayaasha.
Xerada Halabooqad ee Gaalkacyo waxaa ku nool 1700 oo qoys, waxayna dadkani badidood ka soo barakaceen abaaraha iyo dagaalladii ka dhacayay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana ku nool dad gaaraya 1700 oo qoys sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee Puntaland.
Burhan/AM