Xaaladda samafalka Soomaaliya oo meel fiican maraysa

0
36

Afhayeennka hay`adda gargaarka Qaramada Midoobay  ee OCHA Cabdi Yuusuf Nuur ayaa ku tilmaamay iney xaaladdii samafalka ee Soomaaliya tahay mid aad u soo kabatay. Sarkaalkan oo wareysi siiyay raadiyo Ergo ayaa ka warbixiyay in xaaladihii adkaa ee sanooyinkii 2012kii iyo 2013 si weyn hadda looga gudbay, isbeddel weyna laga sameeyo dhinacyo badan oo la xiriirta nolosha bani`aadamka.

“ Hay`adihii gargaarka bixin jiray weli waa joogaan, howshoodiina sidii bay u wataan, meel badan oo  aan wal la gaari jirinna hadda waxaa suurtowday in la gaaro karo oo gargaar la gaarsiin karo” waxaa yiri afhayeenka, wuxuuna intaas raaciyay iney hay`adaha caalamiga qaarkood ay gaareen oo ay ka shaqeeyaan meelaha ku dhowdhow Muqdisho oo ay shaqo fiican ka wadaan, hase ahaate ayan weli hay`daha Qaramada Midoobay weli saldhigan meelaha goobahaas.

Mar Cabdi Yuuf la weydiiyay sida uu iminka yahay xaalka dadka barakacayaasha ka dib markii warbixintii bishii Febraayo lagu sheegay in macluushii Soomaaliya ay dhamaatay wuxuu yiri” Barakac ma jiro hadda, lamana sheegin dad hor leh oo soo barakacay oo Muqdisho u soo raadsanaya gaargaarka, balse waxaaba jirta dad ku sugnaa xeryaha barakaca qaarkood oo dalbanaya in dib loogu celiyo deegaannadoodii hore oo ay ka yimaaddeen”.

“ Dadka barakacayaasha ee ku nool xeryaha magaalada Muqdisho waxaa lagu qiyaasaa ilaa 360,000 oo qoys, waana tiro badan, waa hubaal iney dhibaato badan qabaan, nolol fiican oo tayeysan oo la sheegi karana ma haystaan, inkastoo ay haddana gacanta ku hayaan hay`adaha samafalka haddana lama dhameystiro karo noloshooda, lagumana qiimeyn karo iney noloshan xeryaha ay ku jiraan ay u dhaanto meeshii ay ka yimaaddeen” sidaasna waxaa yiri Cabdi Yuusuf maruu ka jawaabayay  xaaladda ay ku nool yihiin barkacayaasha Muqdsisho.

Waxay idaacadda Ergo weydiisay Afhayeenka sida ay hay`adda gargaarka Qaramada Midoobay uga warqabto cabashooyinka ka imanaya dadka oo ah inaanu deeqaha raashinku aanuba gaarin wuxuuna Cabdi uga jawaabay “ Waa maqalnaa laakiin run ahaantii gargaarku waa noocyo badan yahay, cuntada, daawada, fayo-dhowrka iyo dhinacyo kale oo badan, wax kastana lama dhihi karo wax kasta dhib baa kaa jira, markii aan soo qaadanno xagga raashinka mana jiraan wax dhibaato ah oo ka taagan sidaan og nahayna ma jiraan” ayuu yiri Cabdi Yuusuf, wuxuu kaloo sheegay in goobtaan hadda dadka la dejinayo laftigeedu aysan ahayn meel rasmiya, dadkana loo raadinayo hab ugu dambayn dib loogu celiyo goobahay ka yimaadeen.

Afhayeenku waxaa kaloo uu ka hadlay arrimaha dib u dejinta sida ay ugu go`an tahay hay`adaha adduunka in dadkaas barakacayaasha ee ku nool Muqdisho loo diyaariyo meelihii la dejin lahaa, iyadoo ka hor loo gelayo tabaabusho iyo qiimeyn arrintan ku saabsan, ugu dambeynna waxaa loogu talagalay dadkan in raristooda lagu soo dhameeyo 20 Agosto ee sanadka 2012ka sida uu sheegay Cabdi Yuusuf.

Laba sano ka hor ayey aheyd markii barakacayaashii ugu badnaa ay soo gaareen magaalada  Muqdisho oo gaaraya 360,000 oo qof, kadib markii ay ku ceyrtoobeen abaartii xilligaasi iyo colaado is biirsaday. Iminka ayaa waxaa jira dadaal caalami ah oo ay wadaan hay`adaha caalamka oo ah  sidii wax looga qaban lahaa looguna  taageeri lahaa dawladda Soomaalida sidii ay dadkaas ugu sameyn lahayd dib-u-dejin , looguna habeyn lahaa nolol dhaanta midda ay haatan ku jiraan.

Radio Ergo

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here