Waa sidee nolosha qoysaska Soomaalida?

0
134

Warbixin  ay si wada jir ah maanta 16 Abril 2013 u soo saareen hay’adaha UNICEF,UNDP, WFP, WHO, FAO iyo UNFPA ayaa lagu sheegay  in saddex meelood meel  ay qoysaska maamulaan haween, halka haweenkasina aysan 70% helin tacliin, waxayna warbixintu tilmaameysaa in hooyooyinka hadda haysta caruurta ka yar 5ta sano aysan badi lahayn wax tacliin ah.

Warbixintu waxay rajo ka muujineysay  habka nololeed qoyska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku nool Puntland iyo Somaliland waxayna tilmaameysaa iney jirto rajo ka soo kabasho ee dhinacyada tacliinta gabdhaha, helitaanka biyaha,  joojinta gudniinka fircooniga, ku shaqaynta carruurta iyo ka hor tegista cudurka HIV/AIDS.

Mar uu raadiyo Ergo ka wareystay warbixintan  Susanah Pirce oo ah afhayeenka  UNICEF ee xafiiskeeda Soomaaliya iney ka naga siiso fikrad waxa ay warbixintan ku qotonto waxay tiri” Sahankaan nolosha guryaha laga samaynayo  ee waddanka waa mid UNICEF ay ka fuliso dhammaan dunnida laguna ogaanayo habka wax haysi iyo awoodda nololeed ee qoyska, iyadoo u qaadanaysa tusaale dadka ku nool magaaloyinka, tuulooyinka iyo dhulalka miyiga ah, kuwa saboolka ah iyo kuwa qaniga ahba dhamaan dhinacyadda nololeed, waxaanan ka samaynay baadhitaankaan Puntland iyo Somaliland iyadoo duruufaha amaan ee koonfurta iyo bartamuhuna ay saamixi waayeen, waxaanan waydiinay su’aalaha aasaasiga u ah nolosha dhamaan carruurta iyo haweenka, si aan u ogaanno noloshay haystaan, xuquuq noocee ah oo ay haystaan, ee dhinacyadda caafimaadka, wax barashadda, saxadda biyaha iyo ilaalinta jawaabihii ka soo baxay ayaana sal u ah warbixintaan sahanka ah ee aan goboladaan ka samaynay”

Mar ay Susanah ka jawaabeysa su`aal la xiriirtay ilaalinta xuquuqaha waxay sheegtay “ Dhulkaan ka samaynay warbixintaan, waxaan raadinanay warbixinaha ku saabsan inay carruurta lagu shaqeeyo halkii ay ka aadi lahaayeen waxbarashadda, waxaanan aragnay in rubac caruurta ku nool Puntland iyo Somaliland ay shaqeeyaan ayna shaqeeyaan 80 saacadood todobaadkii, inkastoo xoogaa horumar laga sameeyey markaad fiiriso sahan kanoo kale ah oo la sameeyey 2006dii”

“Dhinacyadda kale ee ilaalinta carrurta ee aan raadinnay waxaa weeye dhinaca gudniinka fircooniga ah, waxaanan ku ogaanay sahankaan inay wax badan hoos u dhacday sidii dadku u samaynayeen hawshaan, oo warbixintii 2006kii waxay tusinaysay in hablaha 15ka ah 100% ay ahaayeen kuwo maray habkaan gudniinka fircooniga, haddase sahankaan wuxuu tusiyey mid taas ka roon oo rubuc ka mid ah 100kiiba ayaa noqday kuwo maray gudniinka fircooniga ah” ayay tiri afhayeenka.

Mar aan waydiiyey Sussan dhibaatadda hor taagan in dadka laga joojiyo  gudniinka fircooniga ah waxay sheegtay”  Dhibaatadda hor taagan in la joojiyo gudniinka fricooniga ah ayaa ah sidii loo bedeli lahaa dadka fikirkooda oo ay wakhti badan soo isticmaalayeen, waxayna rabtaa arintaani in dadka Soomaaliyeed qaybahooda sida hogaanka bulshada, culimadda haweenka iyo dhalinyaraduba kawada qayb qaataan, hay’addaha gargaarkuna helaan talooyin ay kaga caawin karaan arintaan”.

Wediin:  warbixintan waxaad ku sheegteen markaad ka hadlayseen waxbarashadda gabdhaha, in gabdhaha ka soo jeeda qoysaska qaniga ahi helaan fursado tacliin, laakiin kuwa saboolka ahi aysan helin, UNICEF maxay u haysaa qorshe hablaha ka soo jeeda guryaha saboolka ah si ay u helaan fursado waxbarasho?.

“Runtii waa wax wel wel leh, inkastoo qoysaska wax haysta gabdhaha ka soo jeeda ay 54% wax bartaan, taanoo iyaba iska liidata, haddana kuwa ka soo jeeda qoysaska saboolka ah waxaa ka aada tacliin 14%, waana arrin, waxanan aragnay haweenka ka soo jeeda qoysaska saboolka ahi wax ma akhrin karaan, ma qori karaan xitaa magacooda ma higaadin karaan, waxaanan doonaynaa hadaan nahay UNICEF inaan dhiiri gelino sidii habluhu u aadi lahaayeen goobaha waxbarashadda, annagoo in badan kala tashanay qaybaha bulshadda muhimadda ay leedahay iyo sababaha keenay in gabdhaha loo diri waayo iskuuladda, waxaanan u diyaarinay inaan u helno waxbarasho qaar dibaddaha ah, haween macalimiin ah iyo in la wanaajiyo saxadda goobaha waxbarashadda si gabdhuhu ugu helaan fursad ay ku yimaaddaan, intii dadaalkaan aan samaynayna waxaad arkaysaa gabdhihii oo tiro badan ku imanaya goobihii tacliinta haddana tiradoodu ku sii dhowaanayso kuwa wiilasha”

Wediin:  Ugu dambeyn maxay tahay fariintaadda aad is leedahay waad u sheegi lahayd hooyadda iyo gabadha Soomaaliyeed?

“Waxaan dhihi lahaa, waydiinna lahaa hablaha ma aadan iskuul, hooyada ma u heshaa carruurtaadda hab caafimaad oo wanagsan sida talaalka, gabdhuhu fursad ma u helaan tacliinta sida ta wiilashu helaan oo kale” Ayey ku jawabtay Susasanah.

MH/AM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here