Roobab mahiigaan ah oo guryihii ka saaray barakacayaal ku sugan Baydhabo

0
92

Barakacayaasha degmada Baydhabo ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ka haysta roobabka Guga oo maalmahan si xoog ah uga da`aayay magalaadaas. Robabkan oo watay daadad waaweyn ayaa sababay in guryihii jilicsanaa ee ay qoysaskan degganaayeen qaar badan la tageen.
Kamamka Yaasiin iyo Kormari oo ku yaalla waqooyiga magaalada Baydhabo in ka badan shan boqol oo qoysna ay ku nool yihiin ayaa biyihii roabakii da’ay iyo daadad aad u fara badan oo magaalada banaankeeda ka yimid aad u waxyeeleeyey ka dib markii bohosha weyn ee Baydhabo dhexmarta ay keentey biyo aad u fara badan waxaana Kaamamkaas guriyihii ku yaalley ay qaadeen biyuhu.

Ku dhawaad 10-guri oo ah buushashkii ay ku noolaayeen barakacayaasha Kaamamka Yaasiin iyo Kormari ee duleedka waqooyi magaalada Baydhabo iyo alaabtii maacuunka  ay biyiii xaaqeen.

Dadka qaarkood ayaa waxay iiga warrameen dhibaatooyinkii qabsaday, waxayna ii  sheegeen in iyagoo biyaha ku jira habeen horey Kaamka Kormari labo haween ay ay ku umuleen mid ka mid ahna ay dhashey labo canug oo mataano ah sida ay ii sheegeen haweenkii aan la kulmey qaarkooda oo ii waramey.

Gudoomiyaha degmada Baydhabo Xassan MacalinAxmed Biikole oo aan kula kulmey Kaamamka dhibaatadu ay ka jirto ee waqooyiga magaalada Baydhabo wuxuu ii sheegey  sidii loogu rari  lahaa dadkan   meel banana ah  loona dejin lahaa, isagoo sheegay inuu ka doonayo iney hay`adaha maxalligaa ay si wadajir ah isaga kaashan lahaayeen.

Dhanka kale ee dadweynuhuna waxaa ka socda dadaal iskaa wax u qabso ah oo lagu gargaarayo dadkan dhibaateysan, isla markaasna isug baaqay iney is garabsadaan oo ayan cid kale waxba ka sugin.

Degmada Baydhabo waxaa ku yaal 53 xero barakacayaal oo ku kala yaal daafaha  shanta xaafadood ee ay Baydhabo ka kooban tahay  waxaana ku nool dad tiradoodu lagu qiyaasay ilaa 6636 oo qoys. Dadkan ayaa iyagu dib uga soo laabteen gobollo ay hore ugu barakaceen oo ay ka mid yihiin Muqdishow, Doolow iyo maamul goboleedka Puntland sida  ay raadiyo Ergo u xaqiijiyeen horjoogayaasha xeryahaas.

Cabdiraxmaan/AM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here