Qaraxii ka dhacay dhismaha maxkamadda sare ee Banaadir ee magaalada Muqdisho 14 Abriil 2013 ayaa wuxuu saameyn iyo cabsiba uu ku reebay dadka rayadka ah ee magaalada.
Qaraxan ay ku dhinteen 32 qof isla markaasna ay ku dhaawacmeen 54 sida ay xaqiijiyeen laamaha caafimadka ee isbitaallada Muqdisho ayaa wuxuu ku reebay dadka argagax iyo iney si deggan u adeegan waayaan.
Weriyaha raadiyo Ergo ee Muqdisho Yuusuf Keynaan ayaa sheegay iney aad u yaraatay kalsoonidii dadka ay ku adeegan jireen, iyadoo aad arkeysid in hotelladii lagu shaahi jiray iyo meelihii la fariisan jiray ay dadku ka carareen.
Dadku waxay isugu baaqayaan iney socodkooda yareeyaan, siduu noo sheegay Yuusuf, wuxuuna intaas noogu daray in gawaarida basaska ah ee ay dadweynuhu raacaan cabsi badan ay ka jirto, iyagoo markaas ka taxaddaraya meelaha ay joogaan gaadiidka askarta ka dib markii gaari lala beegsaday oo lagu dhuftay gaarigii Laanqeerta cas ee Turkiga, halkaasina lagu dilay darawalkii Soomaaliga ahaa ee gaariaga u waday waxana ku dhaawacmay 2 katirsana samafalayaasha Turkiga ah kuwaasi oo xalayba laga qaaday Muqdisho.
Cabsidan ayaa iyaguna dhinac ka ah ciidamada dawladda oo feejignaantooda ay sababi karto iney dadku wax ku noqdaan, markii la eego gaadiidka ay ku dhexwataan dadka dhexdisa. Sida uu ku warrmayo nin goobjooge ah ayaa wuxuu leeyahay “ Waxaa noo muuqanaya khatarro badan, markii ciidanku oo la fuushan baabuurtooda hubka ay ka shakiyaan dadka qaar oo ay iyagoo dhinac kala eegi ay xabbada iska furan, taasoo keeni karta dhimasho iyo dhaawacy”
Waxaa kaloo jira caqabado lagala kulmay sidii gurmad loogu fidin lahaa dadkii dhibaatada halkaas ku gaartay gaar ahaan kuwii dhawaca soo gaaray. Ciidamada ayaa isku gadaamay goobtii qaraxa ka dhacay waxaana aad u adkaatay sidii looga soo bixin lahaa burburka dadkii gargaarka u baahana, taaso keentay iney qaarkood waayaan gargaarkii ay u baahnaayeen halkaasna ay ku dhiteen.
Dr. cabduqaadir cabdiraxmaan Aadan oo ah madaxa gaadiidka gudrmadka degdega ayaa raadiyo Ergo u sheegay iney goobtaas ay ka qaadeen 22 meyd iyo 18 ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba.
“ Waxaan dhibaato kala kulannay sidii aan u soo bixin lahayn dadkaas, weliba waxaa jiray qaar teleefoonka mobaylka naga soo wacayay oo dhaawacyo halis ah qabay, sidii ay noo soo wacayeenna markii dambe aamusay oo u dhintay dhaawacaas.” Waxaa yiri Dr. Cabdulqaadir.
Isbitaalka Madiina oo kaliya waxa la dhigay 16 meyd ah iyo 42 dhwaacyo siduu isna raadow Ergo u sheegay Dr. Maxamed Yuusuf agaasimaha guud ee cusbitaalka madiina.
Si kataba ha ahaatee qaraxan ayaa ku keenay dadweynaha rayadka ah welwel iyo cabsi iyagoo shaki ka muujiyay habsami u socodka hawlahooda taasoo keeni karta iney hakat galaan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa guud.
Haddaba qaraxan ayaa ku soo beegmay muddo yar uun ka dib markii ay dawladda Ingiriiska uga digtay waddaniyiinteed ineyan tegin magaalada Muqdisho.
Yuusuf Keynaan/AM/MH