Soomaali ku xiran Suuriya

0
32

Boqollaal Soomaali ah oo ku xayiran dalka Suuriya oo ay dagaallo ka holcayaan ayaa sheegaya inay ku dandarreysan yihiin dalkaasi, waxayna raadinayaan sidii ay uga bixi lahaayeen halkaas iyagoo bad qaba.

Gabar Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Dimishiq ee caasimadda dalkaas oo codsatay inaan magaceeda la shaacin ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in dhabbaha keliya ee u furan dadkaas Soomaalida ah oo gaaraya 300 ay tahay xadka Turkiga, balse ay halis tahay ka gudbidda xadka.

“Haddii galabtii la gaaro ma jirto cid bannaanka u bixi karta, ciidamada dowladda iyo kooxda mucaaradka ayaa xaafadda ku wada sugan oo isku dhex dagaalaya, waxay saaran yihiin guryaha korkooda iyo hareeraha, iyagoo tooganaya qofkii ay arkaan, werwer ayaan ugu nool nahay halkaan.” Ayay tiri gabadhaas.

“Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa na siisay warqad aan uga baxno Suuriya. Waxaa jira Soomaali hadda u gudubtay dalka Turkiga, kuwaasoo dalkaas ku galay inay uga sii gudbayaan dalka Soomaaliya, iyaga xitaa waxaa loo oggolaaday keliya inay muddo shan maalmood ah keliya dalkaas uga sii gudbaan.” Ayay mar kale tiri.

Tan iyo intii rabshadaha lagu diiddan yahay madaxweyne Bashar al-Assad ay billowdeen bishii Maarso sanadkii  2011kii, in ka badan 70,000 oo qof, badankoodna ay rayid yihiin, ayaa lagu dilay gudaha dalkaas halka in ka badan saddex milyan kalana ay ku barakaceen.

MH/FM/AM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here