Barkacayaal ka cabanaya dhul lagu amray inay ka guuraan
Kaamka barakacayaasha ee Buula Eelaay wuxuu ku yaallaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, wuxuuna masaafo dhan 6-km uu ka xigaa magaalada dhanka bari, kaamka wuxuu kamid yahay kaamamka ugu waaweyn ee ay ku nool yihiin dadka ka soo barakacay gobollada dalka muddadii burburka, kuwaasoo soo miciin bidey inay ku noolaadaan magaalada Boosaaso.
Dadka ku nool kaamkan ayaa waxay u badan yihiin xoolo dhaqato iyo beeralley kasoo carartay colaadihii iyo abaarihii dalka soo marey, waxaana ka mid ah dad xeryo hore isaga soo guuray iyo kuwo cusub. Kaamkan waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 11,000 oo qoys, sida ay xaqiijisay hayád maxalli ah oo ka howlgasha magaalada Boosaaso.
Barakacayaasha ku jiray xerada Buulo Eelaay ayaa hadda waxaa soo food-saartay cabsi iyo jahwareer mustqabalkooda ah kaddibmarkii muran gacan kahadal iyo cago jugleyn dhexmartey iyaga iyo dadkii iska lahaa milkiyada dhulka ay xeradan ku taallo uu sababay in qaarkood ay billaabeen in ay xerada isaga guuraan.
Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee heysta barakacayaashan ayaa ah dhanka hoyga, iyadoo uu jiro is qabqabsi la xiriira dhulka cusub ee ay soo degeen , qaar kamid ah milkiilayaasha dhulkan ayaa ku amray barkacayaasha inay isaga guuraan halka qaar kale oo isla milkiilayaashana ay oggol yihiin in barakacayaashu ay degganaadaan dhulkan.
Barakacayaasha murankaas dartiis u guuray oo aan la tira-koobin ayaa waxay hadda u guureen bariga Boosaaso oo ay hadda ku yaallaan in ka badan 25-xero oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah.
Barakacayaashan oo la hadlay idaacadda Ergo ayaa waxay ka codsadeen maamulka iyo hayáddaha samafalka inay wax ka qabtaan dhibaatadan.
Gobolka Bari waxaa ku sugan 49,000 oo barakacayaal ah, sida ay sheegayso hayádda QM ugu qeybsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR.
Maamulka degmada Boosaaso ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan cabashadani kasoo yeereysa barakacayaasha, xildhibaan C/nuur Galleyr oo ah xildhibaanka arrimaha bulshada ee golaha deegaanka degmada Boosaaso ayaa sheegay inuu jiray heshiis dhex maray maamulka degmada iyo milkiilayaasha iska leh dhulka uu ka dhisan yahay kaamka Buula Eelaay kaaso dhigaya in dadkan muddo 5-sano ah ay ku noolaadaan halkaas.
Cabashadan kasoo yeereysa barakacayaasha kaamka Buula Eelaay ee la xiriirta dhulka ay deggan yihiin ayaa kusoo aadeysa xilli hay`adaha samaflku ay ka deyriyeen in la helo dhul bannaan oo la dejiyo barakacayaasha Boosaaso, waxaana ku nool magaalada barakacayaal kor u dhaafaya 60,000 oo qoys, kuwaasoo ay soo sal kiciyeen abaaro iyo colaado dalka soo maray .
Axmed Soomaali/ MG/FM/AM