Barkacayaasha ku nool magaalada Galkacyo ayaa beryahan waxay bilaabeen iney dib ugu guuraan meelihii ay markii hore ka yimaaddeen, sida gobollada bartamaha iyo koonfurta. Markaad tagto goobaha gaadiidka laga raaco iyo xeryaha barakaca ayaad ka dareemaysaa socodka dadka u xirxiran inay dib ugu noqdaan halii ay ka yimaaddeen oo ay hadda ay aminsan yihiin in nabad ka bilaabatay.
Magaaladda Gaalkacayo ee gobolka Mudug ayaa waxay ka mid tahay goobaha dadka barakacayaasha dagaal iyo abaareedba degsiimooyinka ku leeyihin, waxaana ku yaal 21 xero oo barakacayaal ayna ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 35 kun oo qof siday sheegtay Dahabo Maxamed Barre oo maamulka degmada Gaalkacayo u qaabilsan arrimaha barakacayaasha
Maraan tegey boosteejada gaadiidka gobollada koonfureed looga raaco Gaalkacayo ayaan kula kulmay dad badan oo safraya dhinaca koonfureed. Sugule Maxamed Abkey oo mid ahaa dadkaas boosteejada taagnaa ayaa isagoo Ergo u warramaya yiri “Waxaan sanadkii 2006dii ka soo barakacay Muqdisho gaar ahaan xaafadda Waaberi, waxaana aaan haatan ku noqonayaa Muqdisho oo aan dareemay iney nabaddeedu soo hagaageyso.
Khadiija Axmed waa hooyo iyana horay uga soo barakacday degmada Afgooye, waxay ku sugnayd afaafka hore ee kaamka Buulo Bacley, iyadoo wadata saddex carruur ah oo boorsooyinkeediina wadata waxayna tiri “Gaalkacayo mar hore ayaan imid, 10 sanno baan ku sugnaa, waan ku soo meel gaaray, haddana deegaaankeygii ayaa nabad ii noqday oo Afgooye ayaan u socdaa, beerahaygii ayaan falanayaa”
Maryam Qaasim waa guddoomiyaha kaamka Mustaqbal oo ku yaal waqoyiga Gaalkacayo, waxay Ergo u sheegtay in qoysas badan oo ku jira xeryahaa ay ka dalbanayaan hay’addaha inay dib ugu celiyaan guryahoodi, meelahay dalbanayaan in dib loogu celiyana waxaa ka mid ah Afgooye, Jawhar iyo Baydhabo.
Waxaa ilaa hadda iska diiwaan geliyay xerada Mustaqbalka ilaa 40 qoys sida ay noo sheegta Maryam Qaasim oo iyadu hadda ka madaxa xeradan si ay ugu laabtaan guryahoodii, waxayna intaa ku dartay Maryam iney gaarsiiyeen arrintan hay`adaha caawiya barkacayaasha sida DRC iyo NRC, iyadoo Maryam ay intaas ku dartay in kuwa heli kara sahay ee magalada iyagu ka shaqyasta ay iskood isu abaabulaan dibna u noqdaan.
Waxay haddaba arrintaan ku soo beegmeysaa iyadoo hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa dhowaan ka soo saartay warbixin 80 bog ka kooban xaaladaha barakacayaasha Soomaaliya gaar ahaan kuwa Muqdisho ku sheegtay in loo geysto tacadiyo ay ka mid yihiin kufsi iyo xadgudubyada kale ee ka dhanka ah galmada.
MH/MR