Nabaad guurka dhul daaqsinka dhulka Soomaaliya ayaa laga dayrinayaa, iyadoo ay gabaabsi ku jiraan geedihii xoolaha noloshoodu ku tiirsanayd, nabaad guurkaan ayaa siday sheegayaan saraakiisha dhinaca deegaanku wuxuu sababay hab samaysan cusub oo dhulka ka jeexay bohollo waaweyn oo ku yareeyey biyo qabatinkii.
Wasiir ku xigeenka deegaanka ee Puntland Burhaan Cawil Xirsi ayaa Ergo u sheegay in dowlad la’aanta muddada badan ka jirtay waddanka, hay’adihii dawliga ee ilaalin jirey deegaanka oo meesha ka baxay, samaysanka magaalooyin badan oo u baahday dhuxul iyo degsiimo, dhuxul badan oo loo jaray dhirtii badi iyo xoolihii oo intii ka batay ayaa ah dhibaatadda ugu ballaaran ee keentay xaalufka deegaanka.
Wasaaradda Puntland ayaa sheegtay inay u bandhigeen Midowga Yurub ayna ka aqbaleen inay wax kala qabtaan daaqsinka, beerista dhirta, celinta togagga iyo biyaha iyo la dagaallanka bohollaha samaysmay. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in sahan ay ku sameeyeen dhulka Puntland ay yihiin meelaha ugu daran nabaad guurka dhulalka Nugaasha, Hawdka, Soolalka iyo dooxooyinka Bariga, iyado markii noloshii miyigu xumaatay ay dadkii ku soo urureen magaalooyinkii oo dhalinyaro badan oo shaqo la’aan ahi yimaadeen ay abuurmeen kooxo budhcad badeed ah iyo kuwo kale oo fal dambiyeedyo gala.
Ururka midowga Yurub ayaa sheegay inay 25 milyan oo lacagta Euro ah ay ku maal gelinayaan afarta sano ee soo socota si wax looga qabto so noolaynta deegaanka nabaad guuray ee Puntland.
MH/FM