Qoysas dhan 2,172 oo kamid ah barkacayaasha ku nool duleedka bari ee magaalada Boosaaso ayaa ka faa`ideystey dhismaha guryo ka sameysan jiingado oo ay dhiseen hey`adaha samafalka. Guud ahaan dadka hoyga heley waxay gaarayaan 13,032, maadaama qoys walba uu ka koobnaa 6 qof.
Mashruucaan guryaha loogu dhisey barakacayaasha Boosaaso waxaa iska kaashanaya hay`adaha UNHCR, CHF,ECHO iyo NMFA, waxaana mashruucan la soo mariyey hey`adda isku dubaridka arrimaha bani`aadannimada QM ee UNOCHA, iyadoo ay fulineyso hey`adda NRC.
Maxamuud Siciid Nuux waa sarkaal ka tirsan xafiiska hey`ada UNOCHA ee gobolka Bari isagoo ka warbixinaya faa`iidada laga dhaxley guryaha wuxuu yri “Markaad qiimeyn ku sameysid buushashkii ay ku nolaayeen dadkan iyo guryaha ay hadda deggan yihiin waad dareemi kartaa farqiga udhaxeeya, dadkani waxa ay ka nabad galeen dabkii ka kici jirey buushashka, waxay ka soo tosaan guri leh daaqado iyo albaabo oo la mid ah guryaha magaalada, waxaa qorshaha ku jira in dadka harayna guryo loodhiso“
Qaar kamid ah dadka barakacayaasha ee ku nool kaamamka bariga Boosaaso ee loo dhisey guryaha ayaa siweyn usoo dhaweeyey tallaabadan.
“ Cilmiyo Maxamed Yaroow ayaa la idhahaa waxaan ka imid Buur hakaba, aad ayaan ugu faraxsanahay guriga la iidhisey, horey buush ayaan u degnaa waxaan ku qabney dhibaatooyiin, laakiin guryahan jiingadaha ah waan ku nabad galney, maxaa yeeley waxaan uga bad baadney gurigan kufsigii iyo roobabkii“
Nin ka mid ah dadka halkaas guryaha laga siiyay ayaa isaguna yirin “ Sheekh Maxamed Sheekh Cali ayaa la idhahaa aad iyo aad ayaan ufiicannahay hadii guryahan naloo dhisey, awal waxay aheyd in carruurta marka looga tago guryaha buushashku ay dab qabsadaan, hadda taas waan ka badbaadney, sidoo kale waxaan ka badbaadney roobkii, qorraxdii iyo kufsigii dumarka“
Kaamamka la isku yiraahdo Bariga Boosaaso ee kuyaal duleedka bari ee magaalada ayaa kakooban iskudarka in ka badan 20 xero oo laga soo rarey daafaha iyo bartamaha magaalada ka dib markii muran iyo is qabqabsi uu ka dhashey dhulkii ay horey u deganaayeen barakacayaashu. Dadaal dheer oo ay sameeyeen hey`adaha samafalka iyo maamulka Puntland ka dib ayaa lagu guuleystay in la helo dhul banaan oo la dajiyo barakacayaasha kaasoo looga dhisey guryo ka smeysan jiingado.
Barakacayaasha ku nool Boosaaso waxay kor udhaafayaan 60,000 waxaana ay isaga kala yimaadeen gobolada dalka uu ka kooban yahay iyagoona ka soo cararey dhibaatoooyiin jira sida colaadaha iyo abaaraha.
Axmed Somali/MH/AM